Magacyada Masuuliyiin Madaxweyne Biixi Xil-qaadis, Isku Beddel iyo Magacaabis Ku Sameeyey

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Hargeysa(aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magacaabis, isku-beddel iyo Xilka-qaadis ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan Qaarkood.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Wareegtada Madaxweyne Biixi magacaabista iyo xil-ka-qaadista ku sameeyey Isniintii maanta oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannes.com, waxa qoraalkeedu u dhingaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,

Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

MAGACAABID:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

  1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
  2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.
  3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
  5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
  6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.
  7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.
  8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.
  9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaas ayey u dhignayd Wareegtada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi magacaabista iyo xil-ka-qaadista xubnahaas ku sameeyey oo aftahannews.com nuqul ka mid ahi soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.