Hay’adda Qaxootiga Aduunka Oo Xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed

 (Aftahannews)- Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo looga soo horjeedo takoorka qaxootiga Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Sanca, ee Caasimadda Yemen.

Hay’adda UNHCR ayaa weyddiisatay mas’uuliyiinta xuutiyiinta  inay soo xidhaan Abdulkader Ahmed Hassan, oo ah hoggaamiye bulsho iyo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda boqolaal qaxooti ah bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Daraasiin haween iyo caruur ah oo ku nool Sana’a ayaa si nabad ah ku soo bandhigay in la wanaajiyo xaaladahooda adag iyo in la joojiyo dhamaan noocyada takoorida ee ay sameysay Hay’ada.

Xafiiska UNHCR ee Geneva ayaa baaritaanka ku haya saraakiisha Yemen, laakiin dadku waxay ku nool yihiin cabsi mana la wadaagi karaan macluumaadka ka dhanka ah saraakiisha UNCHR ee Yemen.

Qoyska Xasan ayaa loogu  hanjabay dil haddii aannu joojin halgankiisa ka dhanka ah saraakiisha UN-ka islamarkaana uu waayidoono xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Qaxootiga ayaa sheegaya in qabashada Xasan ay tahay isku day lagu aamusinayo qaxootiga laguna cabsi gelinayo kuwa dhiira galinaya musuqmaasuqa dib u dejinta iyo gargaarka maaliyadeed.

Si kastaba ha noqotee, shaqaalaha UN-ka iyo la hawlgalayaasheeda ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmaan qaxootiga iyagoo xidh-xidhaya, xannibaya kiisaskooda dib-u-dejinta.