Kooxda Liverpool Oo Xasuuqday Dhiggeedda Kooxda Man.United

 Liverpool ayaa wali la qaban yahay kaddib markii ay guul muhiim ee 2-0 ah kaga gaadhay kooxda Manchester United garoonka Anfield, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 23-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa Liverpool.

Daqiiqadii 14-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay difaaca reer Holland ee Virgil Van Dijk, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkii Trent Alexander-Arnold.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad Liverpool ayaa heshay goolkeeda labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay waqtigii dhimashada xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.