Somaliland: Wasiir Dalbadday Xogta Xad-gudubyadda Ee Saxaafaddu Ka Gasho Muwaadiniinta

Hargeysa (Aftahanews)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo hadal ka jeediyey kulan maanta lagaga tashanayey xeerka Saxaafada Somaliland ee la doonayo in la horgeeyo golayaasha dalka, ayaa ka dalbaday Wasiirku ururada Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka midka tahay inay keenaan xogta dambiyada ay suxufiyiintu ka galaan dadweynaha, isla markaana aanay ku koobnaan oo kaliya inay suxufiyiinta difaacaan.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanu arag ururka SOLJA oo ka hadlaya qoraalada websiyada iyo qaar ka mid ah telefishanada dalku waxyaalaha ay ku hadlaan ee xadgudubka ku ah dadka oo ay soo bandhigaan.