Turkiga oo ka Hadlay Weerarrada Al-Shabaab la Beegsato & Qorshohooda Soomaaliya

MADAXWEYNEYAASHA SOMALIA IYO TURKIGA Farmaajo iyo Erdogan
MADAXWEYNEYAASHA SOMALIA IYO TURKIGA Farmaajo iyo Erdogan

Ankara(aftahannews):- Dowladda Turkiga, ayaa cambaareysay weerar Muwaaddiniin Turkiga u dhashay iyo Kuwo Soomaaliyeed lagu dhaawacay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

MADAXWEYNEYAASHA SOMALIA IYO TURKIGA Farmaajo iyo Erdogan
MADAXWEYNEYAASHA SOMALIA IYO TURKIGA Farmaajo iyo Erdogan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga iyo wax la qabashada ay ku taageeraan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waxaan dhalleeceeynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaawacmay 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan afar muwaaddiniin Turki ah.” sidaa ayey Wasaaradda Difaaca ku tiri Twitter.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarka, waxaanu bartiisa Twitter ka ku soo qoray weedhahan; “Weerarka ka socda Soomaaliya ma horjoogsan doono dagaalka aan kula jirno argagixisannimada.”

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Soomaalida, ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintey 20 kale oo ay ku jiraan Muwaaddiniin Turki ahina ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo Booliis ah oo la socday Qandaraasleyaal Turki ah oo ku sugan Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca iyo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay Muwaaddiniinta Turkiga ee ku dhaawacmay weerarka inay ku jiraan  Qandaraaslayaasha dhismaha.

Toddobaadkii hore, ayaa ugu yaraan saddex qof oo Turkiga u dhashay ku dhinteen duleedka Muqdisho, ka dib markii waxyaabaha qarxa oo waddada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday ciidamada amniga ee ilaaliya Muwaaddiniinta Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha waddo ka baxsan Muqdisho, weerarkaas oo ay sheegatay al-Shabaab.

Bishii Diseembar 28, ugu yaraan 85 qof, oo ay ku jiraan laba muwaadin Turki ah, ayaa lagu diley in ka badan 150 kalena waa lagu dhaawacay weerar baabuur ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Turkiga, ayaa taageero dhinacyo badan leh siisa Dowladda Federaalka iyo Bulshada Soomaaliyeed tan iyo 2011-kii, iyadoo dhinacyada kaabayaasha adeegyada bulshada, horumarka, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka, biyaha, ciidammada iyo siyaasaddaba ka caawiya Soomaaliya.

Hase-yeeshee, Kooxda Al-Shabaab, ayaa marar kala duwan xarumohooda Muqdisho iyo Muwaaddiniinta Dalkaas u dhashay ee Soomaaliya ku sugan ay u noqdeen bartilmaameed, si ay u hakiyaan horumarradaas, siday labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiguba ku doodeen, balse waxa Turkigu ku celceliyey inaanay tallaabooyinka Al-Shabaab waxba u dhimi doonin halganka dhan walba leh ee ay siinayaan Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.