Muqdisho: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Beegsaday Shaqaale Turki

Muqdisho (Aftahannews)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac kadib markii Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shaqaale Turkish ah oo ku howlanaa dhismaha Waddada xidhiidhisa Muqdisho iyo Afgooye lala beegsaday.

War lagu baahiyay Wakaallada Wararka ee Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Afar ka tirsan shaqaalaha Turkiga ee ka shaqaynayay dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in sidoo kale weerarkaasi uu khasaare ka soo gaadhay inkastoo aan la ogeyn inta uu leeg yahay.

Ururka Al-shabaab ayaa 28 bishii December, ee sanadkii hore sheegtay in mas’uuliyada weerar ay ku dhinteen 89 qof oo ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo qaraxaa bartilmaameedkiisu ahaa shaqaale Turkish ah oo goobta marayay.