Arsenal, Man.City Oo Taako Loo Dhigay+ Chelsea Oo Cashar Loo Dhigtay + Real O Hoggaanka Tagtay

Chelsea ayaa guuldaro qalbi jab ah kala soo kulantay kooxda Newcastle United iyada oo ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay uu Isaac Hayden dhaliyay goolka wadno xanuunka ku riday Frank Lampard iyo jamaahiirta kooxdiisa Blues.

Chelsea ayaa ahayd kooxda inta ugu badan ciyaartan maamulaysay laakiin fashil dhinaca gool dhalinta ah ayaa Newcastle United la sugay in Isaac Hayden uu dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay goolka Blues ay murugada ugula soo laabtay.

Manchester City ayaa barbaro Etihad Stadium kagala kulantay kooxda Crystal Palace oo inta ugu badan kulankan hogaanka haysay laakiin dhamaadkii ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah.

Arsenal ayaa barbaro niyadjab ah la gashay kooxda Sheffield United waxayna Gunners u muuqataa kuwo jab wayn sii gali kara muddada uu Pierre-Emerick Aubameyang ka maqan yayay. Inkasta oo Gabriel Martinelli uu Arsenal gool u dhaliyay qaybtii hore haddana Sheffield United ayaa soo laabtay.

Real Madrid ayaa guul dahabi ah Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda Sevilla waxaana Zidane iyo kooxdiisa Los Blancos kulankan adag soo dhaafiyay Casemiro oo labada gool u saxeexay.

Inkasta oo kulankan qaybtiisii hore uu muran hadheeyay markii Sevilla gool looga diiday VAR, haddana qaybtii labaad ayay Sevilla mar soo laabasho ka samaysay goolka hore ee Casemiro balse goolka labaad ee Casemiro ayaa ciyaarta si rasmi ah u go’aamiyay.

Real Madrid waxay awooday in ay 3 dhibcood ku sii qabtay hogaanka La Liga ka hor inta ayna Barcelona soo dhawayn kooxda Granada