Shirguddoonka Baarlamaanka Labaad ee Galmudug oo lagu Kala Calaf-qaaday, Cidda Guulaystay & Doodda Xaaf

Faadumo Cabdi Cali Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug 2020
Faadumo Cabdi Cali Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug 2020

Dhuusamareeb(aftahannews):- Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Dowlad-goboleedka Galmudug ee la soo xulay, ayaa Jimcihii maanta doortay Shirguddoonkoodii ugu horreeyey oo kala ah; Guddoomiye iyo laba Guddoomiye Ku-xigeen oo hoggaamin doona Golahaas.

Faadumo Cabdi Cali Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug 2020
Faadumo Cabdi Cali Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Golahaa waxa loo doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal, oo ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen musharax xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan.

Dr. Maxamed Nuur Gacal, ayaa helay 54 Cod guud ahaan tirada xildhibaannadii 89 xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug halka musharaxa kale ee la tartamayay Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod.

Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad u doortay Cabdullaahi Xirsi Maxamed oo helay 59 Cod waxaana uu ka guuleystay Saadiq SheekhYuusuf Ibraahim oo helay 29 Cod.

Baarlamaanka Galmudug ayaa Faadumo Cabdi Cali u doortay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, waxaana ay Faadumo 47 cod uga guuleysatay musharixii la tartamayay Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo helay 41 Cod.

Faadumo Cabdi Cali, ayaa noqoneysa Haweeneydii labaad ee Guddoomiye ku-xigeen ka noqota Baarlamaannada dowlad-gobolleedyada dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka horreysay Gabadh Guddoomiye ku-xigeen ka noqotay Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Hirshabeelle.

Waxay doorashadan Baarlamaanka labaad ee Dowlad-goboleedka Galmudug timi, wakhtigi uu Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf ku gacan-saydhay, isla markaana sheegay in dowladdiisu ay sii shaqeyn doonto, halka lagu wado in maalmaha soo socda Baarlamaanku dooran doono Madaxweynaha iyo Ku-xigeennada Galmudug sida uu qorshuhu yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.