Jabuuti oo Jawaab Lama Filaan ah Siisay DP World oo Sheegtay inay Dacwad u Socotay kaga Guulaysatay

MADAXWEYNAHA DJIBOUTI IYO SHIRKADDA DP WORLD MAXAA KALA HAYSTA 2020
MADAXWEYNAHA DJIBOUTI IYO SHIRKADDA DP WORLD MAXAA KALA HAYSTA 2020

Djibouti(aftahannews):- Dawladda Djibouti, ayaa mid aan khusayn ku tilmaantay qoraal kasoo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad ka dhaxaysay dawladda Djibouti, oo ka socotay maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Britain.

MADAXWEYNAHA DJIBOUTI IYO SHIRKADDA DP WORLD MAXAA KALA HAYSTA 2020
MADAXWEYNAHA DJIBOUTI IYO SHIRKADDA DP WORLD MAXAA KALA HAYSTA 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dacwaddan, ayaa qayb ka ah dacwado ka horreeyay oo ay shirkaddu u gudbisay Maxkamadda dalka Britain ka dib markii ay Dawladda Djibouti iyo Shirkadda DP World ay isku maan-dhaafeen maamulka Dekedda Doraleh oo ay maal-gelisay DP World, Bishii Februaraayo 2004, ka dib markii labada dhinac kala saxeexdeen heshiis muddadiisu dhammayd 30 sannadood.

MAAMULAHA DEKEDAHA DJIBOUTI ABUBAKAR CUMAR XADDI OO DP WORLD U JAWAABAY 2020
MAAMULAHA DEKEDAHA DJIBOUTI ABUBAKAR CUMAR XADDI OO DP WORLD U JAWAABAY 2020

Maamulka Dekedda Doraleh oo ay maal-gelisay DP World. February 2004. waxay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis 30 sannadood ah, balse Dawladda Djibouti, ayaa  shirkadda DP World ka qaaday maamulka dekedda bishii February ee sanadkii 2018-kii, taas oo sababtay in Shirkadda DP World dacwad ka furato Maxkamad ku taal dalka Britain.

Maamulaha guud ee Dekeddaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti,  ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, wuxuuse xusay in shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti, waxaanu gaashaanka ku dhuftay go’aanka ay Shirakadda DP World  sheegtay inuu kasoo baxay maxkamadda ku taal London.

Waxaanu Abubbakar oo heerarka DP World iyo Dowladda Jabuuti isla soo mareen iyo xaaladaha hadda sharraxayaa ku dooday in DP World ay Jabuuti xaq ugu leedahay kharash calin amma mag-dhaw, hase-yeeshee aanay doonayn taas ee ay doonayaan inay qabsato Dekedaha Jabuuti iyo kuwa dalalka Baddacas iyo gacanka Cadmeed ku yaalla, waxa kale oo uu intaas ku daray inay Jabuuti xornimo ka qaadatay dowlad gumaysatay wakhti hore, xilliganna diyaar u ahayn inay Shirkad Ganacsi gumaysi dadban ku qabsato Dalka Jabuuti iyo dhaqaalihiisa.

Abubbakar oo arrimahaa ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Dawladda Djibouti wax heshiis ah lama gelin Shirkadda DP World, Djbouti, waxay heshiis la gashay Doraleh container terminal oo DP World leedahay sheerka ugu yar 33%, Dawladda Djiboutina ay leedahay 67%, markaa waxay u baahantahay taas in la saxo, mana aha laba shirkadood haday is diidaan inay is dacweeyeen midna ma isticmaali karo magacii shirkaddii ay isugu ymaadeen, markaa Dawladda Djibouti waxay heshiiska la gashay shirkadda DCT (Doraleh Container Terminal), heshiiskaana waxa jebisay DP World, anaguna Dawladda Djibout, waan diidnay inaan tagno Maxkamadda.”

“Wixii Baayac-mushtar ku saabsan waxa yaal oo keliya meesha waa Mag-dhaw, Djobutina diyaar ayay u tahay Magdhawgaa, laakiin Raggani (DP World) uma socdaan mag-dhaw ee waxay doonayaan inay qabsadaan Dekedaha Djobuti iyo Dekedaha Badda Cas oo ka ilaaliyaan horrumarka iyo maal-gashiga oo halkaa ku hayaan si ay mudnaanta u siiyaan Dekedohooda ku yaal gacanka.” ayuu yidhi Maamulaha guud ee Dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi.

Badeecaddaha Ethiopia, 95% waxay u soo maraan Dekeddaha Dalka Djibouti, waxayna Tallaabadaa maal-gelinta Dekedda Berbera Djibouti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Ethiopia.

Shirkadda DP World, ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, oo maamusha in ka badan 78 Dekedood oo ku yaal 42 dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dekedda Boosaaso ee Maamul-goboleedka Puntland oo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka cadhootay, taas oo sababtay in Dawladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya si weyn isugu maan-dhaafeen, xidhiidhkooduna xumaado/

Inkasta oo ay Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai, ayaa sheegtay in dowladda Djibouti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda, balse ay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Djibouti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay Maxkamaddu soo saartay, haddana jawaabta Dowladda Jabuuti kaga timi waa tan uu Khamiistii bixiyey Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Abubbakar Cumar Xaddi, taas oo aan u muuqan mid ay DP World ku qanci karto.

Shirka Jaraa’id ee Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.