Dadweynaha Degmada Laas-geel oo eedaymo Kulul u Jeediyey Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Somaliland

Dacar-budhuq(aftahannews):- Odayaasha, Dhalinyarada iyo Wax-garadka degmada Laas-geel qaarkood oo magaalada Dacarbudhuq warbaahinta kula hadlay Jimcihii, ayaa Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan ku eedeeyey inuu cid gaar  ah kooto ugu xidhay mashruuca dhismaha Jidka Berbera Koori-dhoor ee isku xidhaya Berbera iyo Wajaale.

Xubnaha Reer Laas-geel ee Warbaahinta la hadlay waxay sidoo kale Wasiir Cabdillaahi Abbokor ku eedeeyeen inuu marar badan ku kacay qaraabo-kiil uu ku bixiyey Mashaariicda Wasaaradda soo mara horumarinta Jidadka iyo arrimaha gaadiidka ku saabsan iyo sidoo kale mashaariic ay sheegeen in kuwaas laga sii dhex-abuuray oo ay Wasiirka laftiisa gaar u yihiin.

Sidaad daraaddeed, waxay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen inuu arrintaas hoos u eego, isla markaana guddi xaqiiqo-raadin ah u diro siday u socdaan Mashaariicdaasi, isla markaana sida ugu habboon ee sharciga waafaqsan wax uga qabto xad-gudubyada iyo ku takrifalka Hantida Qaranka iyo awoodo ay sheegeen inuu si qaldan u isticmaalyo.

Haddaba, Dadkaas kala duwan ee Reer Dacar-budhuq oo arrimahaasi yo kuwo kaleba sharraxaya, eedaha ay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka u jeediyeenna daliil u yeelaya, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.