Maxaa Ka Soo Baxay Shirweynaha Lagu Lafaguray Xalka Caqabadaha Doorashooyinka Somaliland?

AQOONYAHANKA KA QAYBGALAY SHIRKA QARAN EE AKAADEMIGA NABADDA IYO HORUMARINTA SOMALILAND 2020
AQOONYAHANKA KA QAYBGALAY SHIRKA QARAN EE AKAADEMIGA NABADDA IYO HORUMARINTA SOMALILAND 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Shirweyne Qaran oo lagaga hadlayey caqabadaha arrimaha doorashooyinka Somaliland, iyo xal u helidda khilaafka ka taagan Guddiga cusub ee doorashooyinka ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda, ayaa Khamiistii maanta lagu soo gebogabeeyey magaalada Hargeysa oo uu laba cisho ka socday.

AQOONYAHANKA KA QAYBGALAY SHIRKA QARAN EE AKAADEMIGA NABADDA IYO HORUMARINTA SOMALILAND 2020
AQOONYAHANKA KA QAYBGALAY SHIRKA QARAN EE AKAADEMIGA NABADDA IYO HORUMARINTA SOMALILAND 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Akaaddimiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayey ka qaybgaleen inta badan Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha dalka, Xubno ka kala socday Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Aqoonyahanka kala duwan ee Somaliland, ayaa muddada labada maalmood ah ee uu socday lagu lafagaray, isla markaana aad loogu falanqeeyey sida looga bixi karo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland, isla markaana meesha looga saari lahaa khilaafaadka soo noqnoqda ee had iyo jeer sababa dib u dhacyada doorashooyinka iyo muddo-kordhinta aan dhammaadka lahayn ee golayaasha qaarkood loo sameeyo.

Inkasta oo doodaha iyo aragtiyaha laysku weydaarsaday Shirkaas, haddana gunaanadkii waxa la iskula qaatay qodobbo ay Aqoonyahanka kala duwan ee Shirka ka qaybgalay u arkeen inay xal lagu fardaamin karo u noqon karaan caqabadaha hortaagan doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka iyo khilaafka ka taagan Guddiga cusub ee doorashooyinka.

Hase-yeeshee, qodobbadaas, ayaan madashaa Shirka Warbaahinta loogu soo bandhigin maanta, balse Masuuliyiinta Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayaa sida qorshuhu yahay qodobbadaas si toos ah ugu gudbin doonaan dhinacyada daneeyeyaasha doorashooyinka ee Somaliland, sida; Xisbiyada Siyaasadda, Xukuumadda, Golayaasha Qaranka iyo ciddii la hal-maasha, iyadoo la sii wadi doono kulammada iyo shirarka caynkan oo kale ah ee xalka loogu raadinayo mushkiladaha doorashooyinka la deriska ah, si loo helo saaxad ku habboon oo lagu qaban karo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayaa tan iyo markii la aasaasay had iyo jeer door fiican ka qaadata hawlaha hirgelinta nabadgelyada, dimuquraadiyadda, horumarinta arrimaha bulshada iyo guud ahaan horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba xallinta khilaafyada dhinacyada siyaasadda Somaliland soo kala dhex-gala, Shirkanna waxa uu qayb ka ahaa dedaallada ay ugu jirto sidii xal fiican looga gaadhi lahaa khilaafyada wakhtigan ka jira Somaliland ee dhinaca siyaasadda iyo doorashooyinka iyo sidii ay isu fahmi lahaayeen dhinacyada daneeyayaasha doorashooyinku, iyadoo marar badan hormuud u noqotay fardaaminta xaalado adag oo dalka soo wajahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.