Juan Mata Oo Ka Hadlay Cilmiga Ku Duugan U Tartamidda Koobka Af Cup

Manchester United ayaa u soo baxday wareega afraad ee koobka FA Cup, kaddib markii ay ka reebtay kooxda Wolverhampton oo ay kaga adkaatay 1-0, kaddib kulan xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

Macalinka reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ku soo bilaawday kulankii xalay xiddiga khadka dhexe reer Spain ee Juan Mata, wuxuuna dhaliyay goolka kaliya ay ku adkaatay Red Devils.

Haddaba Juan Mata ayaa kasoo hor muuqday warbaahinta kaddib ciyaarta, wuxuuna ka hadlay dhowr arrimood muhiim ah ee ku saabsan koobka FA Cup-ka iyo qaab ciyaareedkiisa xilliyadii lasoo dhaafay.

Juan Mata ayaa wuxuu wareysigiisa ku bilaabay“Haa, waxay ahaayeen labo maalmood aad noogu fiicanaa, gaar ahaan aniga shaqsi ahaan, inaan ku sii nagaano koobka FA Cup, waxay inoo tahay muhiim, sababtoo ah waa tartan muhiim ah”.

“Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka aan soo bandhignay sidoo kale, wax walba si fiican ayey u soconayaan marka aad gaarto natiijooyin isla markaana si fiican aad u ciyaarto”.