Mucjisaddii Maraykanku Ku Helay Safarka Qasem Soleimani Iyo Jaajuusiyaddii Xogta Bixiyey

Baqdaad, (Aftahannews)-Jaajuusiin la shaqeeya Mareykanka oo ku kala sugan garoomada diyaaradaha ee Damascus iyo Baghdad ayaa ka caawiyey Mareykanka inuu helo xogta safar ee Jeneral Qasem Soleimani, kadibna dilo, waxaa sidaa werisay wakaaladda wararka Reuters.

Soleimani iyo afar ilaalo ah oo ka tirsan Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa diyaaradda Cham Wings ka soo raacay magaalada Damascus, kadibna soo aaday Baghdad.

Soleimani ayaa ku safrayey diyaarad rakaab ah, isaga oo ka fogaaday inuu adeegsado diyaarad gaar ah, si aan loo beegsan. Sidoo kale, Soleimani iyo ilaaladiisaba marnaba laguma darin xogta rakaabka diyaaradda, si aan looga war-helin.

Sidaa oo ay tahay, Soleimani ayaa markii uu yimi Baghdad, oo ay soo galbniyeen kolonyo ka kooban laba baabuur, waxaa lagu dhuftay laguna dilay gantaal ay soo rideen Mareykanka.

Baadhayaasha Iran ee kiiskan ayaa rumeysan in dad ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ee Baghdad iyo Damascus balse si hoose jaajuusiin ugu ah Mareykanka ee gudbiyeen xogtiisa.

Baadhitaanka kiiskan ayaa waxaa hoggaaminaya Falih Al-Fayadh oo ah la-taliyaha amniga qaranka Iran.

Dadka la tuhunsan yahay waxaa ku jira laba saraakiil amni oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Baghdad, laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Cham Wings, jaajuus ka shaqeeya garoonka Damuscus, iyo qof kale.

Hay’adda sirdoon Iran ayaa rumeysan in lixdan qof, oo aan weli la xidhin, ay qeyb ka yihiin shabakad jaajuusiin ah, oo si hoose ula shaqeeya Militariga Mareykanka, islamarkaana u gudbiya xogaha muhiimka ah.

Labada shaqaale ee shirkadda Cham Wings ayaa waxaa sidoo kale baadhitaan ku haya sirdoonka Syria, sida ay laba sarkaal oo amni u sheegeen Reuters.

Natiijada horudhaca ah ee baaritaanka ayaa muujineysa in xogtii ugu horreysay ee Soleimani ay soo gudbiyeen kooxda garoonka diyaaradaha Damascus, sida uu sheegay sarkaal amni.

Shaqada unuga sirdoonka ee garoonka Baghdahd ayaa kadib ahayd inay xaqiijiyeen imaanshihiisa iyo nooca kolonyada baabuur ee uu ku safrayey.

Markii intaa xog ah loo gudbiyey Mareykanka, durba waxaa soo kacday diyaarad drone ah, oo dhowr gantaal ku dhufatay kolonyada uu la socda Soleimani, oo uu ka mid ahaa Abu Mahdi Muhandis, oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Shiicada ee Al-Shaxd Al-Shacab ee dalka Iraq. Guud ahaan waxaa goobta ku dhintay labadooda iyo 8 qof oo kale oo ilaalo ahaa.