Real Madrid Oo Hanatay Koobka Spanish Super Cup-ka

Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup ka dib markii ay rikoodhe 4-1 ku garaaceen kooxda Atletico Madrid ciyaartii finalka ee ka dhacday magaalada Jedah ee dalka Sucuudi Arabia.

90kii daqiiqo ee ciyaarta iyo 30 daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay ismari waayeen xilli Valverde casaan laga siiyay Los Blancos dhamaadkii 30ka daqiiqo ee dheeriga ahaa, laakiin rikoodhe la isla aaday ayaa waxaa 4-1 ku badisay Los Blancos iyadoo rikoodhihii ugu danbeysay ee koobka xaqiijisay uu saxeexay kabtan Sergio Ramos.

Tababare Zidane ayaa sagaal final uu ciyaaray waxa uu wada qaaday dhamaan sagaalkii koob ee uu u tartamay.

2020 Supercopa 

2018 Champions League 

2017 FIFA CWC 

2017 Supercopa 

2017 European Super Cup 

2017 Champions League 

2016 FIFA CWC 

2016 European Super Cup 

2016 Champions League 

 

Kooxaha magaalada Madrid ku xifiltama ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa kulanka finalka Spanish Super Cup waxay iskaga hor yimaadeen garoonka King Abdullah Sports City ee ku yaal magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.