Dawlad Dalkeedda Ka Mamnuucday Imaanshaha  Madaxweyne Horre

Gambia (Aftahannews)-Xukuumadda Gambia ayaa uga digtay madaxwaynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh in aannu isku dayin in uu dalka dib ugu soo laabto.

Jammeh ayaa imika musaafuris ahaan ugu nool dalka Equatorial Guinea.

Afhayeenka dowladda Gambia ayaa BBC u sheegay in aysan damaanad qaadi Karin ammaanka Mr Jammehhaddii uu dalka dib ugu soo laabto.

Balse afhayeen u hadlay Mr Jammeh ayaa sheegay in waqtigii uu doono uu dalka ku soo laaban karo.

Sii haya xilka hogaamiyaha xisbiga Mr Jammeh, Ousman Rambo Jatta, ayaa diiday in uu shaaciyo waqtiga uu ku soo laabanayo Gambia.

Dalalka dariska la ah Gambia ayaa ku qasbay Mr Jammeh in uu magangalyo ahaan ugu noolaado Equatorial Guinea ka dib markii uu diiday in uu aqbalo in looga adkaaday doorashadii December 2016.

Jammeh ayaa waxaa uu dhashay bishii May ee sanadii 1965, waxaa uuna militariga ku biiray isaga oo ay da’diisu yartahay.

Yaxya Jammeh ayaa afgembi militari awoodda Gambia kula wareegay sannaddkii 1994.

2013, waxa uu wacad ku maray in uu xilka sii hayn doono balaayiin sanno  haddii uu alle idmo.