Man.City Oo Xasuuqday Dhiggeedda Aston Villa Iyo Saddexleydii Aguero

Manchester City ayaa 6-1 ku xasuuqday kooxda Aston Villa oo marti loogu ahaa garoonka Villa Park iyadoo City ay ku soo laabatay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka islamarkaana hogaanka Liverpool ay ka dhigtay 14 dhibcood.

Sergio Aguero oo saddexleey dhaliyay kulankii caawa ayaa dhigay rikoodh cusub oo Premier League ah isagoo noqday xiddig ugu saddexleyda badan taariikhda Premier League isagoo dhaliyay saddexleydiisii 12aad.

Rikoodhka Seddexleyda:

12 – Sergio Aguero

11 – Alan Shearer

09 – Robbie Fowler

Rikoodh kale uu jabiyay ayaa ah inuu noqday ajnabiga ugu goolasha badan taariikhda Premier League isagoo dhaliyay goolashiisii 177aad wuxuuna rikoodhkaan ka qaaday Henry oo ku hayay 175 gool.

Rikoodhka Gooldhalinta Ajnabiga

177 – Sergio Aguero

175 – Thierry Henry

144 – Robin van Persie