Weriye Xukun Maxkamadeed Ku Dhacay Oo Dib U Helay Xorriyadiisii

Hargeysa, (Aftahannews)-Tifaftiraha HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Xarunta dambi baadhista ee CID-da ee magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay Tifaftiraha HCTV hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shillinka Somaliland ah.

Xoriyadda uu dib u helay Cabdiqaadir Coday ayaa timi ka dib markii loo iibiyey halkii sano ee Maxkamada Gobolku ay ku xukuntay isla markaana la bixiyey saddexdii milyan ee ganaaxa ahaa.

Ugu horayn Tifaftire Cabdiqaadir Coday oo ka hadlay sida uu u arko siidayntiisa iyo inuu xoriyaddii dib u helay maadaama oo uu mudo laba bilood ah uu xidhnaa ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadda Waxaan ugu baaqayaa, xadhiigu ma xuma ee waxaan ka codsanayaa in saxafiyiinta xadhigooda loo maro sifo sharci ah. Suxufigu isagoo banaanka jooga dacwada ha lagu soo oogo.

Xaqiiqatan intii aan ku xidhnaa xarunta CID-da si fiican ayaa la iila dhaqmay, waliba ha u badnaato intii uu xilka la wareegay hoggaanka cusub ee Faysal Xiis,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Coday.