Socdaalkii Safarka Iyo  Sahanka Ee Taliyaha Booliska Somaliland

Laascaanood (Aftahannews)-Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo safar ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Taliye Dabagale ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood waxa uu kormeeray xarumaha Booliska ee magaalada Laascaanood, waxaanu Taliyuhu mar uu ciidamada bileyska kula hadlayey saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood kula dardaarmay ciidamada bileyska inay ku dedaalaan tukashada Salaasada iyo inay bulshada ula dhaqmaan si wanaagsan, isla markaana iska ilaaliyaan balwadaha.

Safarkan Taliyaha guud ee Ciidanka Bileyska Somaliland uu ku tagay gobolada Bariga Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee Taliyuhu uu ku maro gobolada bariga Somaliland  tan iyo intii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Bileyska Somaliland ka dib markii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Bileyska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.