Kelmadda Insha Allaah Oo Lagu Biiriyey Qaamuuska Jarmalka

Barliin, (Aftahannews)-Kalmadda Insha Allaah ayaa si rasmi ah uga mid noqotay kalmadaha si weyn looga adeegsado dalka Jarmalka iyadoo tani dhalisay in lagu daro qaamuuska dalka.

Muslimiinta Jarmalka ee kala jooga gobolada dalkaasi ayaa si joogta ah u adeegsada kalmadda Insha Allaah oo ka dhigan “Haddii uu Alle doono.”

kalmadda Insha Allaah waa mid qaadan karta afka Jarmalka iyadoo kamid ah kalmadaha lagu biiriyay qaamuuska Doden ee taariikhda fog. Waxay tani ka danbeysay markii adeegsiga kalmadda ku badatay Muslimiinta dalka.

Dad badan oo ka isticmaala qaamuuska barta Internetka ayaa arkay inay kalmadda ku jirto qaamuuska laakiin ma cadda haddii si rasmi ah loogu daabici doono nusqadda qaamuuska iyo inkale.

Qaamuuska Doden ee Jarmalka waa mid leh taariikh fog, waxaa alifay Conrad Dowden sannadkii 1880-kii. Daabacaadiisii ugu danbeysay waxay soo baxday sannadkii 2017-ka.