Boqor Cismaan Buur-Madow Hadalkiisu Waa Qaylo Dhaan Iyo Kicin Beeleed Oo Sawirro Qaldan Bixinaya

Hargeysa, (Aftahannews)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buur-madow) oo ka mid ah madaxdhaqmeedka Somaliland oo dhawaan ka hadlay marxalada Siyaasadeed ee dalka, Guddiga Doorashooyinka iyo Arrimo doora, ayaa sheegay in Guddigii dhawaan isu xilqaamay xalinta murankii ka dhex qarxay Asxaabta Mucaaridka

iyo Xukuumada taladda haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo afjareen talo-bixin ka soo jeediyeen dhawr qodob oo uu ka mid ahaa in la kala diro Koomishankii cusbaa ee dhawaan la magacaabay, isla markaana la soo celiyo xubnihii komishankii hore.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa tilmaamay in Guddigaasi dhexdhexaadinta axsaabta mucaaridka iyo Xukuumada murankooda ka hawlgalay inay sharci jabin tahay in la raaco arrinkaasi ay soo jeediyeen ee kala dirista komishanka cusub, waxaanu sheegay in sharciga meelna aanay ka soo galaynin arrimahaasi ay soo jeediyeen.

Waxaanu ku sifeeyay in haddii go’amaadaasi guddiga odayaasha la qaato ay dalka u horseedayso kala danbayn la’aan burbur ku keenaysa hay’adaha sharci dajinta, isla markaana tahay wax aan caqli gal ahayn.

Boqorka ayaa sidoo kale ka hadlay isla markaana xaqiiraad ka muujiyay ururka Geellayda Somaliland oo dhawaan baaq ka soo saaray Geella ay xasuuqayso dawlada Austarilia, oo uu sheegay in isagu uu taageersan yahay talaabadaasi ay ku dabar-goynayaan Geella duur-joogta ah ee dalkaasi ku dhaqan.

Dhinaca kale Buur-madow ayaa sheegay in beeshiisu aanay xisbi kaliya u dabranayn, balse mabda’eedu yahay mid ku jihaysan xisbiga ay dan u arkaan ee asxaabta qaran, isla markaana taladu ka go’do mawqif cad oo beel ahaan laga midaysan yahay.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay in siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin aanu soo kala dhowaysanayn, isaga oo sheegay inay labadu-ba u siman yihiin ayaa ka dhawaajiyay in labada siyaasi ay cidlo jafayaan beel ahaana waxa uu tilmaamay in beesha bariga Burco dugsanayn wax uu ugu yeedhay dambas iyo cidlo.

Hadaba Boqor Cismaan Buur madow waxa u huwan yahay xasaanad madaxdhaqeed oo mudan karaamo iyo sharaf, waxaana looga baahna in hadal kasta oo ka soo yeedha wanaag iyo sidii lagu yaqaanay madaxdhaqeed shakhsiga lagu caleemo saaray.

Dad badan ayaa is-weydiinaya wakhti xaadirkan waxa ku kalifay hadalada dhiillada leh ee ka soo yeedhay Buur-madow ayaa dadka qaar ku macneeyeen in dalka Somaliland oo dhan uu kala weyn yahay Cabdirashiid Riyo-raac oo Boqorka ay isku beel ay ka soo jeedaan, kaas oo komishanka cusubi gudoomiye u doortay.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa hadalkiisa laga dareemayey qaylo dhaan iyo kicin beeleed oo uu sawiro qaldan ka bixinayay isaga oo carabka ku dhuftay in mashaariico laga qadiyay deegaankiisa iyo meelo kale halka dadka qaar u dhuun-daloola arrimahaasi sheegayaan in cid ka badsatay deegaanada Bariga aanay jirin haday noqoto mashaariico laga fuliyay iyo waxqabadyo kale-ba.

Ugu dambayn Boqor Buur madow ayaa looga baahan yahay inuu ku soo noqdo saaxada madaxdhaqmeedka Somaliland ee tubta toosan, tilmaanta iyo toosinta iyo waliba ku soo noqdo sidii wanaagsanayd ee madaxdhaqameedka lagu yaqaanay inuu xaaladaha iyo arrimaha dalka la soo gudboonaada dhinaca wanaagsan uga hawlgali jireen.

Diiradda Wargeyska Warsugan