Arsenal Oo La Xakameeyey+ Man.United Iyo Chelsea Oo Guulo Isugu Jawaabay

Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayya guul ay u qalantay kaga gaadhay kooxda Norwich City garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Crystal Palace ayaa taako u dhigtay kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd garoonka Selhurst Park, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.