Garoowe: Maxkamada Sare Oo Ka Hadashay Sababta Loo Fulin La’yahay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan

Garoowe (Aftahannews)-Maxkamada sare ee Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddex nin oo ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 13 jir ah, oo falkaas loogu geystay Gaalkacyo, sannadkii hore.

Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kiiskaas fulintiisa uu u xayiran yahay qoyska Caa’isha Ilyaas oo uu sheegay in laga sugayo inay maxkamada u soo gudbiyaan in loo soo qisaaso raggaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamada sare waxa uu sheegay in maxkamadu ay diiday wax dib u eegis ah in lagu sameeyo kiiskaan oo ay saddexda maxlamadood ee madaniga ah isku raaceen in la dilo dambiilayaasha.
Nuur Ciise Maxamed wuxuu kale oo sheegay inay jirto qoraal xeer ilaalinta ka soo baxay bishii November ee sanadkii hore , kaasoo lagu codsanayay in maxkamadu mudayso xilliga la fulinayo, hase yeeshee wuxuu tilmaamay qoraalkaasi inay wax ka maqnaayeen oo uu qabyo ahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay in fulinta kiiska Caai’sha laga sugayo hay’addaha garsoorka Puntland, kadib markii warbaahintu ay su’aalo ka weyddiisay arrintaas.