Ciraaq Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Ka Bixitaanka C. Maraykanka

Baqdaad (Aftahannews)-Ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi ayaa maanta sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo weyddiistay inuu wefti u soo diro Iraq, si ay u diyaariyaan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkiisa.

Sharci dejiyayaasha Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo dalka, kadib markii diyaarad drone oo Mareykan ah ay dishay Jeneral sare oo reer Iran ah, Qasem Soleimani.

Wada-hadallo uu Abdul Mahdi telefoonka kula yeeshay Pompeo, ayuu ku sheegay in dalkiisa uu kasoo horjeedo labada xadgudub ee lagu sameeyey madax-banaanidiisa – Isaga oo ula jeeda weerarkii Mareykanka iyo gantaalladii ay ku aargudatay Iran.

“Iraq waxay doonaysaa inay ilaaliso xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka,” waxaa sidaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qiyaastii 5,200 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq.

Qaraarka baarlamanka Iraq ee lagu eryayo ciidamada Mareykanka ayaan ahayn mid ay qasab tahay in la fuliyo, hase yeeshee Abdul Mahdi oo ah ninka leh amarka lagu saarayo ciidamada Mareykanka ayaa aad u taageersan qorshahaas, sababtoo ah isaga ayaa wax ka diyaariyey qaraarka.

Abdul Mahdi ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka iyo diyaaraddii drone-ka ee lagu dilay Soleimani ay dalka soo galeen ayaga oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Iraq.

Abdul Mahdi oo shiico ah ayaa aad ugu dhow dowladda Iran iyo kooxaha hubeysan ee shiicada ah ee ka jira dalka Iraq.