Farmaajo Oo Dagaalo Kala Duwan Oo Siyaasiya U Maleegaya Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Dabaal iyo mirqaan lagu jiraa door ma kaafido, Abwaan Cali Xasan (Banfas) ilaahay naxariistii janno ha ugu deeqo’e hore ayuu u tiriyay oo ay ka mid ahayd gabay halgameedyadiisii miisaanka culus lahaa ee uu bulshada reer Somaliland ku baraarujin jiray in fadhiga, maahsanaanta iyo fadhi ku dirirka aan cadow-na layska celin karin.

Tan iyo xilligii Somaliland dib ula soo noqotay gobanimadii 1960kii ilduufay ee gooni isku taaga kagaga dhawaaqday 1991kii dhidibada loo taagay, isla markaana la bilaabay dibu dhiska qaranka Somaliland, ayaa marxalado kala dambeeya iyo waayeeda leh ilaa wakhti xaadirkan ku soo gaadhay haykal dawladnimo, kala dambayn, nidaamka dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan.

Taas oo Somaliland gayaysiiyay in beesha caalamku indha ku soo jeediyaan wallow aanay ilaa hada aqoonsi caalamiya ka helin beesha caalamka, balse ay kasbatay waddamo farabadan oo danaynaya jiritaanka dalkan maadaama ay buuxisay shuruudihii dal lagu aqoonsanayey, halka Soomaaliya ilaa wakhtigii dawladii kali taliyihii Siyaad Barre salaanka laga tuuray aanay ilaa wakhti xaadirkan wax dawlad la yidhaahda ka hirgelin, balse shirar dibadaha loo qabto loogu soo cumaamada dawlado maqaar-saara.

Tan iyo wakhtigaasi afweyne talada laga tuuray oo ku beegnayd 1991kii ayaa Soomaaliya waxa ka taagna dagaalo kala duwan iyo iska horimaadyo mar ay ku dagaalamayeen maleeshiyaad hubaysan oo ay kala hogaaminayeen qabqablayaal dagaal, mar ay ku hirdamayeen maxaakiimtii iyo maleeshiyaad qabaa’il, taas oo dhaxalisiisay dalkaasi heer ciidamo huwana ay qaramada midoobay u soo diraan lagu badbaadinayo shacbiga dalkaasi ayaan ilaa hada salka dhigin inay helaan dawlad hanata amniga iyo kala dambaynta Soomaaliya.

Waxaana kolba shirar dibu heshiisiineed loo qabanayay Soomaaliya waddamo ka baxsan, isla markaana loogu soo dhisayay dawlado maqaar saara halka wakhti xaadiran ay ka taliso dawlada uu hogaamiyo Farmaajo oo adeer uu u ahaa rajiimkii galbaday ee Siyaad Barre, kaas oo dagaalo kala duwan oo siyaasiya u maleegaya Somaliland

Mr. Farmaajo waxa uu aduunweynaha kula wareega yaan Somaliland la caawinin, dhinaca kalena uu sheega in Soomaaliya diyaar u tahay wada hadalada Somaliland in la sii wado, wada hadaladaas oo ka socon waayay dhinaciisa ka dib markii guddiga wada hadalada uu soo xula noqdeen xubno Somaliland diid ah oo dalkan ka falaagoobay oo wada hadalada sabab u noqtay inuu burburo.

Hadaba Somaliland ayaa looga baahan yahay inay feejignaan dheeraada ku hayso cadaawada Farmaajo iyo xukuumadiisa loo soo dhoob-dhoobay ee Amizon gaadhka ka tahay, waxaana muhiima meeshaasi wax wada hadal lala furto kama arkayno ay cadaysteen nacaybka iyo cadowtinimada ay u hayaan Somaliland waa in aan miis laga fadhiisan.

Sidoo kale aduunweynaha uu Farmaajo mar-ba dal tagayo uu leeyahay yaan la caawin Somaliland iyo anaga deequhu hana soo maraan in jawaabo waafiya laga bixiyo iyo dadaal in la galiyo in godkasta oo ay galaan ama dalkasta oo ay booqdaan laga daba tago oo warka ay siiyaan war masaxaya laga daba geeyo.

Waa in firfircooni laga muujiya siyaasada khaarajiga ilayn cadowgaagii oo aad arkayso halka uu kolba marayo inaguna aynu leenahay Dalkeena nimaca fadhida ninkaasina dabino kala kaana inoo qodayo waa amuuro aan isku shuqul ahayn.

Ugu dambayn xukuumad, xisbiyada mucaaridka iyo shacbigeeda oo wadajira waa in laga gilgisha, isla markaana laga hortaga dagaalada siyaasiga iyo cadaanka ee Farmaajo caadaystay.

Farmaajo-na ha ogaado  reer Somaliland inay yihiin ummadii duhurka cad daaha u rogtay dawladii adeerkii dhiig-cab Siyaad Barre oo haystay xukuumad ka mid ahayd waddamada Africa ugu xooga weyn. Hashaan Gaadda Weynow Libaax Uga Gaboon Waayey Inaan Gorayo Cawl U Taga Waa Hal Soo Gudhay.        

 Xigasho Warsugan