Wakiilka Somaliland ee Denmark oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Hargeysa(Aftahan):- Wakiilka Xafiiska dawladda Somaliland ku leedahay dalka Denmark ee Qaaradda Yurub Muuse Sheekh Muxumed, ayaa lagu soo dhaweeyey shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay.

IMG_0131


eeeeee

mail.google.com

Soo dhawaynta Muuse Sheekh Muxumed waxa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, aqoonyahan, odayaal iyo shacab kale.

Wakiilka xafiiska Denmark oo qaabilaada loo sameeyey kadib warbaahinta hadal kooban ku siiyey qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Cigaal, waxa uu ka mahadceliyey sida loo soo dhaweeyey, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan imaado dalkayga Somaliland iyo caasimadda Hargeysa, waxaanan idiinka mahadnaqayaa sida fiican ee aad ii soo dhawayseen. Waxa kale oo aan salaan idiinka sidaa Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Denmark.”

Waxa kale oo uu sheegay muddada uu joogo inuu kulamo la qaadan doono madaxda dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay isku xog-waraystaan.

“Waxaan ku talo jiraa in aan la kulmo madaxda dawladda, wasiirrada iyo qaybaha bulshadaba oo aannu iska waraysano hawlaha qaranka ee aynu hayno. Kolayn shaqo ayaa inoo taal oo had iyo jeer meel kasta oo aannu joogno waxaannu ku talojirnaa sidii hawsha dalka loo qaban lahaa,” ayuu si kooban Muuse Sheekh Muxumed.