Guardiola Muxuu Ka Yidhi Kulanka Caawa Ee Man.City Iyo Arsenal?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in aannu ka fikireynin farqiga 17-ka dhibcood ah ay sare ugu eegayaan hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool.

Manchester City ayaa qaadanaysa xilli ciyaareed niyad-jab leh, waxayna u muuqdaan inaysan sannadkan difaacan karin horyaalka Premier League markoodii saddexaad ee xidhiidh ah.

Sky Blues ayaa la kulantay 4 guuldrrooyin ah 16 kulan ay ka ciyaartay ilaa iyo haatan horyaalka Premier League, halka Liverpool aysan wali la kulmin wax guuldarro ah, kuwaasoo qaadanaya xilli ciyaareed aad u qurux badan oo cajiib ah.

Man City kuma jirto booska labaad isla markaana si toos ah uguma soo xigto Liverpool, balse waxay ka sii gadaaleysaa Leicester City, waxayna fadhiyaan kaalinta saddexaad .

Haddaba macalinka reer Spain Pep Guardiola ayaa sida caadiga ah wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id ka hor ciyarta caawa ay ku wajahayaan Arsenal Premier League wuxuuna yidhi“Kuma jirto maskaxdeyda wax fikir ah ee ku saabsan kooxda Liverpool, waa inaan ka fikiraa Leicester City”.

“Waa wax aad u fog inaan ka fikirno iyaga, si aan u gaadhno Liverpool waa inaan ugu horeyntii ka fikirnaa Leicester City, ka dibna waan arki doonaa“Sannadihii la soo dhaafay, waxaan si cajiib ah u ugu sugneeyn gudaha iyo dibedda dhulka, laakiin xilli ciyaareedkan, dhibco badan ayaan luminay”“Kaliya ma ahan waxqabadka, runtii waxaan ka walwalaa haddii aanan soo bandhigin kubaddeena”.