Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumadda ku eedeeyey masuuliyadda isku-dayda

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa cambaareeyay falka isku-dayga dil ee lagula kacay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Jamaal Cali Xuseen oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in falalka noocan ah ay Masuuliyadeeda leedahay Xukuumadda oo uu xusay inaanay waxba ka qaban falal noocan oo kale ah oo hore dalka uga dhacay oo la isku dayey in lagu dilo Masuuliyiinta Qaranka Somaliland qaarkood, hase-yeeshee, wax tallaabo ah oo la taaban karo oo ay Xukuumaddu ka qaadday jirin.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo isku-daygii dil ee shalay lagu sameeyay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, haddii aanu nahay xisbiga UCID waanu Cambaareynaynaa, waanuna ka soo horjeednaa.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Sidii aannu horeba uga soo horjeednay isku-daygii dil ee hore Hargeysa uga dhacay. Arrintaana waxaannu u nisbaynaynaa xukuumadda oo aan waxba ka qaban kuwii hore ee Wargeyska Hubaan iyo isku-daygii dil ee xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.”

“Waxaanu xukuumadda ka filaynay inay talaabo adag oo sharci ah ka qaado kuwaasi hore, taasina waata keentay in markii dadkii caadiga ahaa arkeen inaan kuwii horeba waxba laga qaban uu nin kastaaba is yidhaahdo waxaad doonto waad samayn karaysaa, markaa dalkiina wuxuu inaga noqonayaa in Magaalooyinka la isku dhex rasaaseeyo, imikana waxa loo soo dhigtay raggii hal-doorka ahaa ee siyaasadda, xukuumaddana waxaanu leenahay waa inaad wax ka qabataan.”sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.