Siyaasi Jamaal Cali Oo Sheeko Qosol Leh Ka Sameeyey Xaaladda Dalka

Hargeysa, (Aftahannews)-Kaftanka Maanta: Beri ayaa ruwaayad laga dhigay magaaladda Hargeysa. Bal Ilaahay amarkii, dadkii ruwaayaddaasi xilligaasi matelaayey badankooda ama jilayaasha waaweeyn ka ahaaba waxaa u ahaa reer abti qabiil ka mid ah kuwa Hargeysa deegaan ahaan degga ee la yidhaa “reer Gadiid” oo ku abtirsadda qabiilka Sacad Muuse ee beesha Habar Awal. Ragaasi ay reer Gadiidku abtiga u ahaayeen waxaa ka mid ahaa Ilma Mooge Liibaan, Axmed Cali Haaruun (Dararamle), Shimbir Muxumed Good, Axmed Ismaaciil Xudeydi, iyo weliba Cabdi Qays oo isagu ruwaayadaba alifay iyo rag kaleba. Kolkii ruwaayaddii xalay oo kale la dhigay ayaa maqaaxi layskugu yimid. Nin ka mid ah dadkii maqaaxidda fadhiyey ayaa ruwaayaddii caayey. Kolkaasaa nin isagu asal ahaan reer Gadiid ah oo goobta fadhiyey ayaa ninkii ruwaayadda caayey bahal budh ah ku dhuftay oo gagabiyey. Ninkii dhaawaca geystay ayaa dadkii goobta joogay saddex isu qabteen oo ku yidhaahdeen; “ waar ninka maxaad ku dishay”, ninkii wax dilayna wuxuu ku jawaabay “dee ruwaayaddii ayuu caayey” Nimankii ayaa Ilaahay yaab isugu keenay, kolkaasay ku yidhaahdeen “ waar adiga maxaa ruwaayadda kaa galay”. Ninkii ismuu lurine waxaabu la soo booday oo yidhi; “Ruwaayadda ayaan abti u ahay.” Halkii bay nimankii qosol kala jeesteen. Imika waa halkiiye; waar ninku xisbigga ayuu adeer u yahee ka baydha yaanu bud idin qabsane. Kaftan wanaagsan.