Mashruuc lagaga faa’iidaysanayo Beeyada oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Bandarre, ayaa maanta furtay Kulan Hawleed lagaga hadlayey Siddii loo horumarin lahaa Mashruuca Beeyada, iyo siddii bulshada reer Somaliland uga faa’iideysan lahayeen Mashruucaasi.

kulankii-beeyada-300x225ccccc

Waxa kale oo ay Wasiirku ka hadashay sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Wasaradda iyo qorshayaasha hor-yaalla. Kulanka ayaa waxa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Xarunta Wasarad Deeganka, waxaana Maal-geliyey Baanka Aaddunka oo soo mariyey Hay’adaha DANIDA iyo DFID, waxaana ka soo qaybgalay Madax ka Socotay Hay’adahaasi iyo Waliba Shaqaalaha Gobolada Somaliland ee Wasarada Deeganka iyo horumarinta reer Miyiga.

Wasiirka Wasiirka Wasarada Deeganka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo. Shukri Xaaji Ismaciil oo kulankaasi furay ayaa ka hadashay ujeeda Kulan hawleedka waxayna Tidhi. “Mashruucani waxa uu ku saabsan yahay Beeyada, waayo sidda aynu ognahay Xoolaha ayey Kaalinta Saddexaad kaga jirta, oo dee Kaalinta Kowaad waa Xoolaha Nool, Kaalinta Labbad waa Dakhliga inasoo gala, kalinta Saddexaadna waa Beeyada, marka waa in aynu laffo gurnaa siddii Beeyada kor loogu qaadi lahaa, iyo siddii dhirteeda loo ilaalin lahaa, iyo waliba siddii Dibada loogu dhoofin lahaa.”Ayey Tidhi Wasiirku.

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay sidii loo dardar galin lahaa Hawlaha Wasarada. “ Halkan waxaynu iskugu nimid in aynu Muruqeena iyo maskaxdeena aynu iskugu geeyno siddii aynu u sixi lahayn wixii inaga khaldan, oo aynu ka hadlano maxaa inaga xun maxaa inaga khaldan, halkee wax inoo maryaan halkan halkee aynu ugu sii socon karnaa waa in aynu iswaydiina, waxaynu doonayna in waxqabadka aynu hay’adaha ka doonayno 2013 aynu qorshaheeda sii haysano oo haddii haya’di meel wax ka qabanayso, aynu ogaadan Xarumaha Goboladu.”

Kulankii beeyada 2

Marwo Shugri Bandarre oo hadalkeeda sii watay waxay tidhi “Tababarkan waxa loo qabanayaa shaqaalaha wasarada madaxdooda, iyo inta ay hogaamiyaan mar haddii ay waxbarataan inta kalena waad u sii gudbindoontan, mashruucan waxana inoogu deeqay Baanka Addunka iyo hay’adaha DANIDA iyo DFID, waxa kale oo loo bahan yahay in dhinca shaqaalaha dhinca farsamada iyo guud ahaa gobolada iyo xafiiska guudba, in wixii caqabado ah ee jira ka hadlano, Somalidu waxay tidhada far kali ah fool ma dhaqdo, marka wasaradu imka ayey soo ifaysaa waan in halkaasi aynu marayno laysla jaanqaado, Meelaha ugu badan ee dadku ka soo qaylinayaan Waa Gobolada ee hawshu ka socotaa anagu xaruntii guud ee idin xidhiidhinaysay ayaanu nahay, waayo dee haaddii qaylo timado oo laga cabanayo daaqii, Biyihii, Barkado la’aan iyo tuulooyinka dhismaya waxaasi oo dhani gobolada ayey ka imanayaan, marka waa in aad wax ka qabtaan.”

Mr. Nagiib Xaashi iyo Jemas Meller oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lacagta loogu tallo galay Mashruucan beeyadu uu yahay illaa 10 Milyan oo Dollar, waxaanu soo dhaweyeen sidda loogu bahan yahay in uu mashruucani u hirgalo si bulshada reer Somaliland uga faa’iideystaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.