Askari Wiil Baalashle ah Toogasho ku dilay oo la qabtay

Muqdisho(Aftajannews):- Wiil yar oo Baalashle ah ayaa geeriyooday, ka dib markii uu Askari ka tirsan Ciidammada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya toogtay Wiilkaas yar oo ku sugnaa KM 5 (Zoope) ee magaalada Muqdisho.

news aftahan

Sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha Muqdisho, Askari ka tirsan Ciidammada dowladda Soomaaliya, ayaa KM-5 (Zoope) ee magaalada Muqdisho ku toogtay Wiil yar oo ka tirsan Wiilasha ku shaqaysta Baalashaynta Kabaha, Askarigaas oo la sheegay in isagana la xidhay.

Askariga ayaa maanta toogtay Wiilka Baalashlaha ah sida ay Warbaahinta u sheegeen goob-joogayaal goobta toogashadu ka dhacday joogay, Askarigaas uu si ula-kac ah rasaas ugu furay Wiilka, ka dib markii muran dhex-maray.

Meydka Wiilka yar ayaa saaxiibeyaashii gaadhi gacan halkaasi kaga qaadeen iyagoo geeyey xarunta dembi baarista CID oo halkaas ku dhoweyd. Dhalinyarada Xoogsatada ah ee Wiilkan yar la socday ayaa la sheegay inay cabasho ka hor dhigeen Xarunta C.I.D-da markii ay maydka geeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ee xaruntaas ku sugnaa ay xabsiga dhigeen dhalintaasi dibed baxa cabashada ah sameynayey inkastoo markii dambe la sheegay in  la sii daayey. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Askariga Dilka geystay Boolisku soo qabteen oo ay xidheen. Inkasta oo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha dhinaca Ammaanka dawladda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dilalka ay geystaan Ciidammada amnigu, ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana hore u jiray dilal noocan ah oo ay fuliyeen askar kuwa dawladda ka tirsan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa bilihii ugu dambeeyay tiro Askar ah ku riday xukuno dil ah, ka dib markii ay dad shacab ah badheedh toogasho ugu dileen, hase-yeeshee, waa markii ugu horreysay ee Wiil Baalashle ah uu Askari dawladda ka tirsani toogasho ku dilo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.