Derbi-jiif: Yaa U Maqan, Yaase Ka Maqan? Qallinka: Khadar Jaamac Dirir

Qoysku waa aas-aaska nolosha banni’aadamka, waanna dareen naxariis ku dheehantahay oo ilaahay ku abuuray qalbiyadda lammaanaha nolosha ku midoobay. Haddanna ma jirto nolol qoys oo ka madhan is-fahan la’aanta qoyska ama is-eedaynta, haddanna qoyska wannaagsanni wuxuu kaga tannaasulaa marxaladdaha noocaas ah si-degan oo ay ugu danaynayaan mustaqbalka Qoyskoodda, wadda-noolaansha iyo sii waaritaanka Qoyskoodda.

 Waxaanna qoyska wannaagsan aas-aas iyo bundhig u ah ka run-sheegidda eraygga, runtunna waa kalsoon, xasilloonni iyo deganaanshu iftiin ka dhigta sii waaridda iyo jiritaanka qoyska.

Haddaba khilaafka iyo burburka ku yimaadda qoyska wuxuu sababi kara dayacnaanta iyo daryeel la’aanta, Waxbarasho la’aan soo waajahdda ubaddkii alle idinka beeray. Arrimaha aan soo sheegnayna waxa soo dedajiya kala tagga qoyska iyo dhaqaale la’aan soo food-saarta marka ay kala tagaan lammaanaha nolosha isu-carbiyey.

Nolosha aadamuhu waa kala dabaqaddo waynna kala saraysa, waanna kala nolol. Balse dadkeennu ma dareensanna in derbi-jiifku yahay dad dareen leh oo leh hami, hiigsi iyo rejo. Waanna arrin ah innuu qofku ku noolaado gidaaradda isagoo haysan hoy, cunno iyo  daryeel caafimaad. Waanna xaalad ibbo-fur u noqotay carruurta derbi-jiifka ah, caruurtan ayaa intoodda badan ka soo carartay saboolnimo ama kala-taga lammaanihii ifka ku soo kordhiyey.

Marka aad martid jidadka magaaladda qaarkood waxay indhahaaggu qabanaynaa carruurta derbi-jiifka ah oo qaarkood isticmaalayaan kooladda ama xabagta, waxaynna gabood ka dhigtaan dooxyadda iyo waddooyinka hareerahoodda, carruurta derbi-jiifka ah ayaa aad ugu soo badanaya dalkan aynnu ku noolnahay, waxaynna inta badan indhaheennu makhraati u yihiin iyagoo dayacan oo aan haysan hoy iyo hu ay dhaxanta ka xidhaan. Taanna waxa u sii dheer jidh dilka ay isu-gaysanayaan iyo jidh dil kale oo kaga yimaadda bulshadda ay miciinka iyo hoyagga moodeen.

Haddaba aaway bani’adanimaddii iyo isu-naxariisashaddii  qofnimaddu, carruurtanni waa carruurteenni waa ubixi dalka iyo mustaqbalkii berito, yaa u maqan?, waxaanna innaga saaran xukuumad iyo shacab masuuliyad si loo badbaadiyey himiladdooda, hankoogga iyo jiritaankoodda mustaqbal.

Haddabba, waqti xaadirkan aynnu ku jirno, waxa dalalka dunnida ka dhacay isbedel  cimileed oo sabab, roobab xilliyadoodii ka soo horeeyey iyo dhaxammo iyagunna xilliyaddoodii ka soo hormaray oo keenay in dadku is-waydiiyaan xilliganni ma dayr-baa mise waa jiilaal. Waxaan dad badan ku sheegayaan in dunnida wax walba siddoodii looggu iman sabankayn aynnu ku jirno. Balse arrinta ugu naxdinta iyo argagax lehi waa carruurta hoyga u noqday Dhaxanta iyo hoy la’aanta oo loo baahanyahay in gurmad walaalnimo iyo mid ehelnimo loo fiddiyo si looga badbaadiyo isbedeladda cimiladda ee noloshoodda samayn jidheed iyo qofeed ku keenni karta haddii aannu helin hoy, cunno iyo mustaqbal. Arrintooddunna waxay noqon doonta derbi –jiif Yaa U Maqan, Yaase Ka Maqan?  

Qallinka: Khadar Jaamac Dirir