Xisbiga KULMIYE oo si adag uga hadlay isku-day dil oo Maxamad Kaahin ka badbaaday

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa si adag uga hadlay isku-day dil oo shalay lagula kacay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, kaasoo nin hubaysani isku-day inuu toogasho ku fuliyo, balse ay Xabbadduu doonayey inuu ku ridaa ka ka tibtay Baaskooladda uu ku hubaysnaa.

Guddoomiye-Muuse

War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo galabta soo baxay, ayuu kaga hadlay isku-daygaas dil, isla markaana uu sheegay inay Xisbi ahaan ka xun yihiin aadna u cambaareynayaan tallaabadaas. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Ujeedo: cambaarayn falkii argagixisada ahaa ee lagula kacay guddomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye. Shalay waxa hotel ku yaal magaalda Hargeysa ugu soo galay Mujaahin Maxamed Kaahin Axmed isagoo ka shaahaynaya saddex nin oo walaalo ah kuna qabtay qori.

Maxamed kaahin waa astaan qaran ee maaha qof caadiya. Xisbiga KULMIYE ma cambaraynayo oo keliya falkaa ee wuxuu kaga hortagayaa gacan bir ah. Maxamed Kaahin oo ka mid ah saddexdii mujaahid ee ugu hortalaabay 1982kii ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo ahaa madaxii sahanka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.

Waa taliyihii ciidankii buuraha barga (Miriye) galay 1984kii, markii Dhagawayne sheekh galay, Cabdilllaahi Askarna buuraha galbeedka. Waa taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Axmed Mire, kuna dhaawacmay ee ay madaxa kaga dhacday ilaa haatana ka muuqato.

Maxamed Kaahin 30kaa sanno danguud mooyee tu gaara ma qabsan, waxa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka, waayo maba haleelo tiisa gaarka ah. Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan iyo maalqabeenada, jaamacadaha iyo ardayda ka baxday ee dunida ku faaftay iyo horumarka la gaadhay waa tacabkii Maxamed Kaahin iyo kuwii la midka ahaa ee SNM.

Bal aan iswaydiino ninka qoriga ku qabtayna waa kuma. Waxa xannuun badan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii. Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta qoriga ku qabanayey ay ahaayeen kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka Hargeysa uga heesayay ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu waynayd.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ummada u caddaynayaa inuu dagaal aan naxariis lahayn la gali doono kuwa neceb guusha qaranka, isla markaana caadaystay inay marwalba cadowga u adeegaan.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.