Dabeeylo Xooggan iyo Roobab ka Socda Meelo ka Mid Soomaaliya

Bandar-beyla(Aftahannews):- Roobab wata dabeylo xooggan, ayaa ka socda degmada Bender Beyla iyo deegaanada u dhow ee gobolka Bari. Dabeylahan iyo roobabkan oo la sii saadaaliyey ayaa bilaabmay habeen hore.

B7B86513-CDA5-40F8-870A-0E6860C972C5_w443_r1_cy5

In kasta oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi uusan jirin, haddana dabeylaha ayaa wata qabow daran oo aanay dadka deegaanku aqoonin siday ula tacaali lahaayeen.

Xoolihii ayaa sidoo kale daaq la’aan jooga, maaddaama aan dibadda loo bixi karin. Deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal ayaa isagu xaalkii ka sahlan yahay sidii la saadaaliyey.

Sidoo kale, Wararka ka imanaya deganaka Gardufuu ee Puntland ayaa sheagaya in dabaylo xooggan iyo roobab ay ku dhufteen deganakaasi.

Wareysiyo ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee roobabkaas halkan hoose ka dhageyso, guji dhibicda madaw horteeda caddaanka ah si aad codkaa u dhegaysato.