Dhamaad La’aanta Dagaalka Macdaarleyda Punland Xog Hoose.

Dhamaad La’aanta Dagaalka Macdaarleyda Punland Xog Hoose.
Q, 1aad.


Doorashadii ka qabsoontay Puntland sanadkan aynu bilihiisa u danbeeyey ku jirro ee 2019 ka waxay ahayd guushiisu ku timid isbahaysi ganacsato ay ku mideysnaayeen, waxaanay midowgooda ka dib tartanka doorashada ku soo galeen labo musharax, iyaga oo qorshahooda ku talogalna ahaa in labada musharax si maqado ah uu mid u guulaysto, waxaanay kala ahaayeen Siciid Cabdullaahi deni iyo Faarax Cali Shire.

Shaxdii ay soo dhigeen may noqonin mid ay ku khasaaraan waxaana ku guuleystey Siciid Cabdilahi Deni, Hase ahaatee waxaa muddo kooban ka dib bilaabmay halgan hor leh kaas oo ah mid ku saleysan damaaci ah gacan ku haynta qandaraasyada Puntland, khilaafkii u horreeyay ayaa ka bilowday qandaraaskii ciidamada PMPF ee ay Emaaraatku gacanta ku hayeen, iyada oo loolan dhexmarey ka dib ganacsatadii ku guulaysatey ay laf ahaantooduna ku kala sad bursadaan, waxayna ku sii kala adkaadeen manfacii laga helay gacan ku haynta qandaraaska ciidamadii PMPF-ka.
Khilaafkaas danbe waxa uu sababey in in midawgii ganacsatadu uu noqdo mid khilaafkiisu yimaado debeda lagana arko, waxaanu si degdeg ah isugu bedelay hirdan beeleed iyo goballeysi, gaar ahaan beelaha dega Nugaal, Karkaar iyo Bari oo ay ka kala soo jeedeen groupada macaashleyda ahi, xurguftaasi waxay noqotay mid cirka isku shareerta si fududna u gaadh in la isu hub arursado, waxa kale oo ay kala jabisey ciidamadii Puntland.

Madaxweyne Deni oo xubin ka ahaa ganacsatada sida isbahaysiga ah Puntland ku qabsatay waxa uu khilaafkaa dhexdooda ka dilaacay noqday mid dhinac taageera, isaga oo si buuxda awoodii xukunka iyo madaxweynenimo midna aan kala hadhin, nasiibdarradaasi waxay noqotay mid sii xoojisa khilaafkii isbahaysiga ee labada u kala jabay.

Khilaafkaas noqday mid sii laba jibaarmay waxa uu sababay in la isu adeegsado Baraha bulshada, iyadoo dhinac ka mid ah ganacsatada lagu tilmaamay inay ka mid urur diimeedka Daacish (ISIS) iyo burcad-badeed, waxaana soo ifbaxay qas iyo nabadgelyo xumo ka dilaacday gobolka dhaqaalaha ee Bari, dhinaca ku guulaystey inay la garab noqdaan madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa laf ahaantoodu may ahayn kuwo ka badbaada eedaha, waxaana lagu tilmaamay qawlaysato aan dalka iyo dadka u naxeyn awooda madaxweynahana dadka iyo dalka ku handadaya.

Labada dhinac iyadoo xurgufta iyo xifaaltankoodu aanu ahayn mid daweysmay ayay ciidamo Puntland dusha kaga magacaaban hase ahaatee hoosta ka leh magacyo u ula kala baxeen waxay isugu geeyeen magaaladda Bosaso, waxaana markale banaanka yimi dhawaaq dheer oo dhiillo ah, kaas oo sheegaya in dagaal dhici doono dhexmari doona mucaaradka Boosaaso iyo Dowladda oo ah mid ka sifaynaysa Magaaladda.

Xaaladaasu waxay noqotay mid madaxda dhaqanka qayb ka mid ahi isu taagaan iyaga oo kala dhexgalaya, waxayna inay hakiyaan ku guulaysteen xabad afka ka baxda, waxa kale oo ay dib u celiyeen qaybo ka mid ah ciidamadii magaalada boosaaso lagu soo xereeyey ee dhinacyadu kala wateen, waxaana ay ay dhaqanku ballan qaadeen in ay wixii tabasho ah ay la wareegi doonaan wadahadalna ku dhamayn doonaan..

Sida ku taariikhaysan hab dhigaalka siyaasada dhaqaalaha ku salaysanina inta la xasuusto ma oqdo mid dhamaad iyo xal waara laga gaadho, waxaanay sida ugu suurtagalsani ay sheegtaa in uu noqdo mid bilo tirsan ka dibba mar kale soo labo kacleeya, kacdoonkiisuna noqdo mid ku yimaada markasta oo la helo qandaraasyo cusub iyo mashaariic soo korodha..

Faisal Ahmed Karshe