Illaa toban kun oo qof oo ku dhimatay dalka Filibiin

Filibiin(Aftahannews):- Masuuliyiin Filibiin ah, ayaa sheegay inay hadda ay aaminsan yihiin in toban kun oo qof ay ku dhinteen hal gobol oo kaliya, markii Typhoon Haiyan ay ku dhufatay dhowr jasiirado oo bartamaha ku yaala Jimcihii.

110727080542_philipines_floods_512x288_bbc_nocredit

Madaxa boliiska gobolka Leyte, ayaa sheegay in tirada cusub ay ku salaysan tahay warar ka yimid masuuliyiinta tuulooyinka ay dabayluhu ka dhaceen.

Wuxuu sheegay dadka badankood inay biyaha ay qaadeen ama ay guryo ku soo dumeen.

Jasiirada Samar, masuuliyiinta ayaa sheegay in saddex boqol oo qof ay dhinteen, laba kun oo kalena ay maqan yihiin.

Gurmad wayn ayaa hadda socda, iyadoo diyaaradaha milatariga ay dadka gurmadka iyo gargaarka u qaadayaan Leyte.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.