Xukuumadda oo ka hadashay isku-day dil oo uu ka badbaaday Sarkaal KULMIYE ka tirsani

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay Ciidammada ammaanka ee magaalada Hargeysa gacanta ku dhigeen niman isku dayey inay dil toogasho ah ku fuliyaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

Warancadde

Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay sababaha ammaanka magaalada Hargeysa loo adkeeyey inay la xidhiidhay sidii loo sugu lahaa nabadgelyada guud ee dalka Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo maalmihii u dambeeyey lagu arkayey ciidammada Booliska oo baadhitaan xooggan ka wada qaybaha magaalada iyo jidadka dhaadheer ee gaadiidku maraan.

“Nimanka isku dayey inay toogtaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisibga KULMIYE, nimankaas qaarkood waa la qabtay, Taliyaha Booliska iyo Ciidammadiisana amar baannu siinnay inay soo qabtaan laba nin oo la raadinayo, laakiin ciddii masuuliyadda isku daygan lahayd waa la qabtay, si aanay waxani u soo noqnoqonna ciqaab adag baa la marin doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo maanta  u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu sheegay inay dhacdooyinka noocan ahi ku cusub yihiin Somaliland, isla markaana ay doonayaan inay tallaabo adag ka qaadaan ciddii falkan geysatay si aanay dib ugu soo noqon isku day dil oo sidan oo kale ah, isaga oo ku tilmaamay fal fulaynimo ah oo ka baxsan ilbaxnimada dimuquraaddiyadda iyo reer magaalnimada.

Wasiirka arrimaha gudaha oo wax laga weydiiyey waxa ay ka qabteen fal isku day dil ah oo bishii hore lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, waxaanu sheegay inay hayaan ciddii falkaas kula kacday Xildhibaanka, isla markaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.