Dab ka kacay Xaafad Hargeysa ah oo sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac isugu jira

Hargeysa(Aftahannews):- Hal qof ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay Xaafadda State house-ka ee magaalada Hargeysa abbaaro labadii duhurnimo ee maanta, kaasoo ay markii dambe lagu guulaystay in la bakhtiiyo, ayaa baabii’iyey guryo badan oo ka samaysnaa Buulal, Basas iyo Jiingado.

Allaah ha u naxariistee Haweenayda dabkaa ku geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Maryan Aadan, halka ay saddex qof oo kale ee dhaawacyadu ka soo gaadheen dabkaasi kala yihiin laba Dumar ah iyo hal Nin sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Madaxa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland u qaabbilsan Gobolka Hargeysa (Maroodi-jeex).

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta Dabkaasi ka dhashay, hase-ahaatee, Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay baadhayaan sababta dabkaas dhalisay, isla markaana ay gadaal ka soo sheegi doonaan markay baadhitaankooda dhammaystaan.

Madaxa Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Maxamed Faarax Qoti, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey dhimashada Haweenay da’ ahayd oo mid ka mid ah Guryaha cariishyada ah ku dhex-gubatay, taasoo halkaas ku geeryootay markii gurigaasi ku shuf-beelay, taasoo la carari kari weyday da’ deeda oo weynayd iyo indhaha oo aanay waxba ka arkaynin sida uu sheegay Madaxa Caafimaadku.

Maxamed Faarax waxa uu intaa ku daray inay shuf beeleen illaa guryo labaatan ka badan iyo wixii hoos-yaallay, isaga oo xusay in lagu guulaystay dabkaas oo ku sii fidi lahaa qaybaha kale ee Xaafaddaas State House-ka ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Taliyaha Booliska, Madaxa Caafimaadka gobolka Maroodi-jeex, Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo Masuuliyiin kale, ayaa ka qayb-qaatay daminta iyo bakhtiinta dabkaas, halkaas oo ay bakhtiinta dambka dadweynaha kala qaybgaleen Baabuurta Dam-demisyada ah ee dawladda hoose.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.