SONSAF oo Talo Muhiim ah ka Dhiibatay Xalka Khilaafka Ka Taagan Xubnaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka Dalladda Ururrada aan dowliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, ayaa kulan la yeeshay Ururrada Bulshada ee Dalladda ku midaysan, isla markaana lafa-gur iyo wax isla eegid ka dib, waxay talo muhiim ah ka dhiibteen xalka khilaafka ka taagan soo xulista xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Qaranka ee beddeli doona guddiga waqtigu ka dhammaanayo.

Kulankooda ka dib War-murtiyeedka ay Warbaahinta la wadaageen Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Siciid Xirsi, ayaa waxay ku faahfaahiyeen talada iyo tusaalaha ay SONSAF u jeedinayso dhinacyada kala duwan ee go’aannada ku leh guddiga cusub iyo waliba qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka dhaca.

Warkaas oo Faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.