Maxamed Kaahin oo ka hadlay isku-day dil oo uu ka badbaaday

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka badbaaday isku day dil, oo la sheegay in saddex nin ay kula beegsadeen hudheelka Lake Assal oo ku yaalla xaafada shacabka ee magaaladda Hargeysa.

kkk1

Saddex nin oo mid ka mid ah ku hubaysnaa qoriga AK-47 ayaa la sheegay in gudoomiye Maxamed Kaahin ay ku weerareen goobta uu ka fadhiyey hudheelkaas. Warar laga soo xigtay dad goob-joog ah ayaa sheegaya in ninka qoriga sitay uu isku dayey in uu xabbad ku dhufto guddoomiye ku xigeenka Kulmiye laakiin ay xabbaddii ku katibtay qoriga, isla markaana aanu fursad labaad u helin in uu mid labaad la beegsado, kadib markii dad kale baastoolad difaac ah rideen.

Si kastaba ha ahaato ee Muj. Maxmaed Kaahin oo wargeyska Geeska Afrika u la hadlay ayaa isagu hoos u dhigay miisaanka uu weerarkaasi lahaa iyo khatartiisa, cidda la sheegay in ay soo weerartayna waxa uu ku sheegay dhalinyaro uu hadal dhex maray, balse aan wax dhibaato ah soo gaadhsiinin. “Wax badan oo dhacay ma jiraan, wax dhib ahina ma jiraan ee niman dhalinyaro ah ayaa illa hadlay dad badanina way joogeen, waxna ima gaadhin”

Mujaahid Maxamed Kaahin oo uu wargeysku weydiiyey in uu xaqiijiyo in rasaas lagu riday ayaa mar kale ku jawaabay, “wax rasaas ahina iguma ay dhicin, wax dhib ahina hada ma jiraan.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.