Wasiirro Beeniyay Inay ka dambeeyeen Isku day dil Xildhibaan Qabille ka badbaaday oo lagu Eedeeyay

Hargaysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta iyo Wasiir ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa daadifeeyay eedaymo uga yimid xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen rasaas uu habeen sadexaadkii sheegay in lala beegsaday.

wasiir-cukuse-iyo-wasiir-ku-xigeenka-amniga1-300x134

Labada Wasiir oo maanta si gooni gooni ah uga jawaabay eedahaymahaasi oo u waramay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in aanay jirin wax isku keeni kara xildhibaan Qabile iyo iyaga, waxaanay tilmaameen in looga baahan yahay xildhibaanka in uu keeno cadaymaha eedaymaha uu u soo jeediyay.

Wasiirka warfaafinta Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isagu dhiniciisa tilmaamay inuu ka xun yahay eedaymaha xildhibaan Qabile oo ay saaxiib yihiin sida uu sheegay, waxaanu yidhi; “Saaka maanta ayaa iigu horaysay oo jariirada Haatuf ciwaankeeda aan ku arkay oo arrintaba ku maqlay sida wax uga jiraan iyo in la toogtay iyo in aan la toogan, waan ka xumahay Qabile nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa wax alla wax isku kaayo keeni karaa ma jiro, aniguna saxaafada ayuu ka hadlay iyo saxaafada ayuu wax ku qoray iyo ayaa laygu eedayn jiray. wax istooganaya iyo dhaqankaasba ma jecli.”

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha C/laahi Abokor Cismaan ayaa isna beeniyay eedaymaha kaga yimi xildhibaan Qabile, waxaanu sheegay in uu cadaynteedii ka rabo xildhibaan Qabile, waxaanu yidhi; “Waxba kalamaan socon qofka bini’aadamka ahi wuu ku eedayn karaa, dambi ma aha waxa laga rabaa eeda haddii uu soo jeediyay cadaynteedii ayaa laga rabaa inuu keeno.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.