Cali Khaliif Galaydh: “Somaliland la wada leeyahay haddaan laga Shaqayn Wallee Meel Fog baa laga dooni, Shirka Burco ha la qabto, Jeegaanuhuna..”

Cali Khaliif Galaydh oo Jigjiga ku geeriyooday 2020
Cali Khaliif Galaydh oo Jigjiga ku geeriyooday 2020

Hargeysa(aftahannews):- Cali Khaliif Galaydh Hoggaamiyaha Khaatumo, ayaa sheegay in haddii aan laga wada shaqayn Somaliland la wada leeyahay in meel fog laga dooni doono Somaliland. Waxa kale oo uu Prof: Galaydh ka hadlay hirgelin la’aanta heshiiskii ay Khaatumo iyo Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo wada galeen oo aanu Madaxweyne Biixi weli dhaqaajin.

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay inaanay Somalilandnimada cidna ka baryeyn oo aanay marti qofna uga ahayn, isla markaana uu gef iyo meelka dhac ahaa hadalkii Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ka soo yeedhay dhawaan iyo qodobbo kale.

Waxa uu Hoggaamiye Galaydh arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay hadal uu ka jeediyey Xalay Xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanannu Warkiisa oo dhan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.