Madaxweyne Biixi iyo Madaxda Dhaqanka ee Reer Awdal Maxay Ka Wadahadleen?

Boorama (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Dhaqanka ee gobolka Awdal, ayaa xalay kulan albaabbadu u xidhnaayeen ku wada yeeshay magaalada Boorama, kaas oo ay Odayaashu Madaxweynaha ugu soo bandhigeen tabashada ay dadka gobolku ka qabaan Xukuumaddiisa iyo saamiga ay ka rabaan Xukuumadda iyo Golayaasha kale ee dawladda.

Haddaba, kulankaas oo waxa ka soo baxay aan warbaahinta lala wadaagin, waxa Baddacas24tv ka waraystay mid ka mid ah Cuqaasha ka qaybgalay kulankaas Madaxweynaha iyo Madaxda dhaqanka, waxaanannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.