Waa Maxay Faa’iidooyinka laga dhaxli karo Shirkii Horumarinta Tignoolajiyadda Somaliland?

Hargeysa(aftahannews):- Madaxwaynaha Jsl Ayaa Bilowgii Dhismaha xukuumadiisa wuxuu wax ka badalay qaabdhismeedka qaarka mid ah wasaaradaha dawlada isagoo sameeyay wasaarado cusub iyo qaar uu ku daray qaybo kale, wasaarada isgaadhsiinta iyo Technolajiyad Somaliland waxay kamid Tahay wasaaradaha uu Wax kusoo kordhiyay iyadoo hore u ahayd wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, halka iminka ay ka tahay Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada jsl.

Madaxwayne biixi ayaa wasaarada U magacaabay masuuliyiin leh aqoonta ay u baahan tahay in lagu hago kuwaasi oo uu hormuud ka yahay  Wasiir Dr Cabdiwali sheikh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo Aqoonta ICTga ku diyaariya Shahaadada PHD.

Wasaarada isagaadhsiinta iyo Technolajiyada jsl ayaa mudadii ay jirtay waxay ku talaabsatay Arimo door ah kuwaasi oo Qaranka mihiimad wayn Ugu fadhiya.

Waxaana kamid in Markii ugu horeysay Mudo 28sano  Ay Wasaarada isgaadhiintu Qabato  Shirweynaha horumarinta Technolajiyada Jsl  iyo sidoo kale  Carwo Ay Shirkadaha ka shaqeeya isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada dalku kusoo bandhigeen badi adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabtaan iyo horumarka la taaban karo ee ay ka sameeyeen dhinaca isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada dalka. Taas oo yididiilo wax ku ool ah ku abuurtay guud ahaan ganacsatada ka shaqeeya dhinaca tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta dalka, kuwaas oo doodo iyo afkaaro lagu horumarin karo lagulana tartami karo dalalka ka horumaray tiknoolajiyada isku waydaarsaday intii uu socday shirweynahan lagu qabtay Gudaha caasimada hargeisa iyadoo gabo gabadiina laga soo saaray War-murtiyeed Xanbaarsan Maxsuulka kasoo baxay shirwaynaha,

Waxyaabaha kale ee ay Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada iyadoo ka duulaysa horumarinta Technoljiyada dalka waxay hirgalisay siyaasada dawlada ee arimaha technolajiyada taasi oo ay si fudud u xidhiidhayaan wasaaradaha kala duwan ee xukuumadu ka kooban tahay.

Sidoo kale iyadoo wasaarada ka duulaysa tayaynta Adeegyada shirkadaha kala duwani ay bulshada u qabtaan sidii loo heli lahaa kuwo tayo leh, waxay dalka keentay Qalab lagu kaantaroolayo tayada taawarada iyo ogaanshaha cashuurta ku waajibtay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo  xadiga adeeg ee ay bulshada u qabteen iyo ka dhaqaale ee uga soo xerooday oo ay ku lamaan tahay cashuurta dawladu.

Waxaana Shirkadaha Waaweyn ee isgaadhsiinta iyo Wasaaradu isla gorfeeyeen duruufaha kala duwan ee ku xeeran helista adeegyo bulshada  kaafiya iyo  caqabadaha hortaagan, haddii ay tahay dhinacyada kala duwan ee internetka iyo telefoonadaba.

Wasaarada isgaadhsiinta ayaa sidoo kale mudadii ay xukuumada madaxwayne biixi talada haysay hirgalisay in laga Shaqaysiiyo adeega boosaha oo dalka iyo shacabka aad ugu muhiim ah.

Kulamadan iyo Shirarka noocan oo kale ah ee ay isugu yimaadaan ganacsatada isgaadhsiinta iyo laamaha dawlada oo matalaya shacabka ayaa noqonaya kuwo la odhan karo waxay wax-weyn ka tari doonaan sii horumarinta adeegyada dhinaca isgaadhsiinta, haddii ay tahay telefoon iyo internetba, taas oo imika wakhtigan la joogo ay dunidu noqotay mid marba marka ka danbaysa si xawliya uga sii horumaraysa, una baahan in lala jaanqaado, iyadoo taasi aaney ka fursaneynin kulamo la joogteeyo oo ay isugu yimaadaan dhinacyadan ka wada shaqeeyaa.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland oo ah Masuul Khibrad buuxda u leh aqoonta Dhinaca isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada ayaa isagu golayaasha Sharci dajinta horgeeyey abuurista qorsheyaal lagu sii horumarinayo Isgaadhsiinta dalka, iyo abuurista dadaalo kor loogu qaadayo.

Isku soo duuduuboo Talaabadan Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu Ay Kagaga duuulayso sidii loo sii horumarin lahaa dhinaca isgaadhsiinta ee dalka ayaa Noqonaysa markii ugu horyesay ee  shirweyne lagaga arrinsanayo arrimaha tiknoolajiyada lagu qabto dalka somaliland,taas oo ay ka wada shaqeynayaan Shirkadaha iyo Wasaarada isgaadhsiinta oo Xukuumada U Qaabilsan.

Waxqabadka wasaarada isagadhsiinta iyo technolajiyadu kuma Koobna inta oo kaliya balse waxay qodobadan aynu kor kusoo Xusnay Gudhig u Yihiin guulaha waawayn ee wasaarada ku talaabsatay mudada labo sano ah.

Xigasho WAJAALENEWS DESK.