Al-shabaab baa sheegatay weerarkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee Maka Al-Mukarama

Muqdisho-(AN)-Kooxda Al-shabaab ayaa qiratay inay lahayd masuuliyadda weeraro qaraxyo loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Hudheelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho,kaasoo ay ku dhinteen lix ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidammo booliis ah.

“Annaga ayaa ka dambeynay labadii qarax ee ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama,” sidaa waxaa yidhi afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab. Isagoo intaa ku daray “Waxaan badhtilmaameed noo ahaa saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ciidammo, 15 ka mid ah ayaanan goobtaas ku dilnay.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah kooxihii weerarradaas ka dambeeyay. Balse waxaa soo baxaya warar dheeraada oo sheegaya in khasaaruhu kabadanyahay intaas.

 

Sidoo kale, Bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii Al-shabaab ay 15-qof ku dileen 23-kalena ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen hoteel ku yaalla meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

 

Aftahannews.com