“Reer Awdal Qaranka Miyey Ka Hadhayaan?” Bar: Xogta Siyaasadda – Waraysi Xasaasi ah iyo Xildhibaan Tukaale – Daawo

Hargeysa(aftahannews):- Khilaafka Saami-qaybsiga Kuraasta golaha Wakiillada Somaliland ee ay ku doodayaan gobollada kala duwan ee dalku, ayaa cirka isku shareeray labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, khilaafkaas oo horseed u noqday in doorashada wakiillada iyo deegaanka markii lixaad ay guddiga doorashada Somaliland shaaciyaan in dib loo dhigayo oo aanay wakhtigeeda oo ahaa 13-ka bisha 12-aad ee sannadkan 2019-ka ku qabsoomaynin.

Gobollada ugu hadalka iyo diidmada badan dhinaca Saami-qaybsiga ee shaaciyey inaanay galaynin doorashooyinka soo socda saami-qaybsi la’aan, waxaa ka mid ah gobolka Awdal, waloow ay markii dambe gobollada Sool iyo Sanaag-berina ku biireen.

Haddaba, Barnaamijka Xogta Siyaasadda ee Toddobaadlaha ah ee ka baxa Telefeshinka Baddacas24TV, ayaa toddobaadkan diiradda ku saaray falanqayntiisa arrintaas, waxaana marti ku ahaa Barnaamijka oo Waraysi xasaasi ah lagula yeeshay Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Awdal, sida weyna uga soo horjeestay heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada-galeen ee ahaa in la kordhiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee beddeli doona guddiga hadda joogta oo waqtigoodu dhammaanayo bisha soo socota ee Aktoober 2019-ka.

Barnaamijkaas oo dhinacyo kala duwan lagaga waraystay Xildhibaan Tukaale, isla markaana uu ku caddeeyey mawqifka kama dambaysta ah ee Reer Awdal, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.