Muuska oo faa’iida badan u leh Maqaarka Wejiga Haweenka

Dumarada inta badan marsada kireemka la farsameeyo ee ay soo saaraan warshadaha si maqaarka wajigooda ayaa kala kulma inta badan dhibaato ayku keenaan kiriimkaa.

banana-and-wejiga - Copy

hadaba hadii aad ka mid tahay dadka mushkiladaasi heysto waxaan kuu heynaa qurux dabiici ah oo dib u soo celineysa quruxda wejigaaga,islamarkaana kaa xalineysa dhamaanba cabashooyinkaaga.Isticmaalka muuka wuxuu kaa caawinaayaa finanka,nabarada wejiga.

Finanka: Haweenka ka cawda dhibaatooyinka maqaarka muuska ayaa xal u ah,gudaha diirka muuska wuxuu xaliyaa finanka. Marin todobaad ka hor inta aadan seexan,wejigaaga diirka  muuska,waxaa laga yaabaa iney xoogaa wasaq tahay,laakin todobaad kadib finankii oo dhan wey kaa baaba’ayaan.

Goobaha Madmadow: 

Madowga ka sameysma indhaha hoostooda,dad badan waxey u aaneeyaan inuu sabab u yahay soo jeedka dhafarka badan,hadaba hadii aad ku aragto hareeraha indhahaaga mugdigaas sida ugu dhaqsiyaha badan mari muus aad qastay,wuxuu kaa caawinayaa inuu kaa baabi’iyo.

Wejiga qalalan:-Dhibaato makugu haayaa wejiga qalalan? Cuncun maqaarka ah mana dooneysaa inaad xal u hesho.Jejebi muuska kadibna mari wejigaaga,ku daa mudo toban iyo shan daqiiqadood  ah,kadibna ku meedh biyo diiran,waxaana dareemi doontaa isbadal wejigii qalalnaa.

Dildilaaca cidhbaha:

Muusku wuxuu sidoo kale kaa caawiyaa dildilaaca cirbaha ku yimaada,kaasoo haween badan ka qaadan isticmaalka kabaha cidhibta dheer leh.Hadaba muuska si wanaagsan u mari cirbaha meelaha uu ka dildilaacsan yahay kuna daa daqiiqado waxey kaa yareyn doonaan dildilaacaasi.

Heer kulka saa’idka ah wuxuu in badan qaleel badan ka dhigaa maqaarka.si aad uga fogaato maqaarkaaga inuu dildilaac sameeyo ama jactad waa fikrad wanaagsan inaad todobaad walbo isku qooshto muus,qamadi shiidan iyo caanaha qumbaha kadibna si wanaagsan u marso si wanaagsan,kadib maqaarkaaga wuxuu yeelan doonaa dhalaal aanu hore u laheyn.

Wejiga saliida leh:

Maka cabataa wejiga saliida leh? Isku qas muus kuna dar labo qaandi oo liin ah,mari dhamaan wejiga kuna daa mudo toban iyo shan daqiiqo ah. Acidka ku jira liinta wuxuu yareynaayaa dufinta ku jirta maqaarkaaga,waxaadna dareemi doontaa isbedel aad u wanaagsan.

Askars4@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.