Gogosha Beelaha Habarjeclo u dhigeen Burco Beelaha Garxajis waan soo dhaweynayaa

1. Baahida in beelahaasi HJ iyo GX is calool xaadhaan oo xagga maskaxda ka midoobaan ayaa maanta daray ah, caafimaadkaana inta kartidooda ah ku sii ballaadhiyaan fidintiisa beelaha kale ee bariga iyo galbeedkaba ka xiga.

Mar haddii xukuumaddii la igmaday ka gaabisay midaynta bulshada Somaliland wixii ka dambeeyey doorashadii iyo xukuumaddii la dhisay, abuurtay na wax sii kala fogeeya oo u daran wax wada yeelashadoodii waa muhiim in beeluhu kala fogaantaas sii baahaysa soo ururiyaan inta ay goor goor tahay, bulshadana isu soo dhoweeyaan, inta aan danniga iyo is waagu ku sii dhex baahin.

2. Salaadiinta gogoshan fidisay oo ay hormuud u yihiin rag haybad iyo maqaam weyn bulshada Somaliland ku dhex leh oo qawlkooda, uurkooda iyo ficilkoodu midaysan yihiin, sida Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo ragga kale la midka ah ee arrinta ku weheliya.

Laba arrimoodba waan ku taageeray shirkaas iyo gogoshaas Burco la dhigay ee la isugu imanayo bishan July 20-da, sida maanta la soo saaray ee rasmiga ah.

Talo ahaan waa in shirka iyo taladiisu ka gudubtaa gogashaas Habarjeclo iyo Garxajis oo bariga iyo galbeedkaba intifaaceedu u geeddi galaa ilaa Sanaag Bari iyo Warsangeli, Sool iyo Dhulbahante, Awdal iyo Samaroon iyo Ciise, Hawd iyo Arab, Saaxil, Gebiley iyo Habar Awal, Ayuub, Fiqi Shinni, Gabooye iyo idil ahaan inta Somaliland degta ee Dir iyo Daarood ba leh.

Haddii talo iyo qorshe tummaatidaas leh Burco laga soo unko waxa suurta gal ah in xukuumadda Somaliland ee hoggaankeedu xadhigga sii goosanayo in lagu soo celin karo garoonka wada tashiga iyo wax wada lahaanshaha, gaar ahaan qaybsiga awoodda iyo ilaha dhaqaale ee yar ee waddanka si caddaaladda u dhow, taas oo baajin karta kala fogaanta bulshada oo sii fogaata.

Waa hawl culus, muhiim na u ah beelaha isu imanaya iyo Somaliland oo dhan.

“Marka aad Duleedow
Sidaad doontay weydaa
Sidaad diiddey yeeshaa”.

Waa xaqiiq oo markii dawladnimo dabkeedii gamaaray ee uu ilko beel ku dhowaadey ayaa halkan loo irkanayaa, candhona waa xubinoo waxa laga filaa ee ka soo baxayaa waa wax wadarta iyo dawladnimada diirin kara.