Mareykanka oo ku guuleystay Koobka Aduunka ee Dumarka

Xulka kubadda cagta gabdhaha Mareykanka ayaa maanta oo Axad ah ku guuleystay Koobka Aduunka ee Dumarka, kaddib marki ay 2-0 uga badiyeen dhiggooda Holland, ciyaarti kama dambaysta aheyd.

Labada gool ee ay Mareykanka ku garaaceen xulka Netherlands ayaa waxaa qeybti labaad kala dhaliyay Megan Rapinoe iyo Rose Lavelle. Waxana guushani ay ka dhigeysaa Mareykanka in ay markoodii afraad ku guuleysteen koobka.

Holland oo kaalinta labaad ku dhamaystay ayaanan wiligood ku guuleysan koobka, waxana ay aheyd markii ugu horreysay oo ay soo gaadhan finalka oo maanta ka dhacay dalka Faransiiska.

Megan Rapinoe ayaa ku guuleystay kabta dahabka, kaddib markii ay dhalisay lix gool, halka gabadha ay isla ciyaaraan ee Alex Morgan ay iyana lix gool dhalisay balse ay Rapinoe ka yareyd daqiiqadaha gool dhaliska. Morgan waxaa la gudoonsiiyay kabta qalinka.

Dabaaldagyo ayaa ka bilowday Mareykanka oo loogu dabaaldagayo guusha ay soo hooyeen xulka kubadda cagta ee gabdhaha.