Xuska Saxaafadda Somaliland, u xadhko-xidhashada Xukuumadda iyo Odhaahda Mucaaridka

“Maalintani Waxay Kusoo Beegmaysaa Iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Ay Qodayso Qabrigii Lagu Aasi lahaa Xoriyatal Qawlka Iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Xorta Ah…” Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in Berri oo ay tahay Maalinta xuska Saxaafadda Somaliland ee 09/11/2013, ay ku soo beegantay iyada oo ay Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed-Siilaanyo qodaysa qabrigii lagu ay ku aasi lahayd Xorriyadda hadalka, Madax-bannaanida Warbaahinta iyo dimuquraaddiyadda Somaliland.

5739

War-Saxaafadeed ka soo baxay caawa xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in Xisbigu maalintan awgeed bogaadin u dirayo guud ahaan Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, isla markaana ay ka xun yihiin sida ay dhawaanahan Xukuumaddu wax u wadday. Waxaanu War-Saxaafadeedkaas oo lagu xuay doorka ay Warbaahinta madaxa-bannaani garabka iyo gaashaanka ugu ahayd inay Somaliland halkan soo gaadho, ayaa u qornaa sidan:-

“Maalintani Waxay Kusoo Beegmaysaa Iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Ay Qodayso Qabrigii Lagu Aasi lahaa Xoriyatal Qawlka Iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Xorta Ah.

Iyadoo ay Barri ku beegan tahay maalintii Saxaafadda Somaliland wuxuu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI bogaadin hawada u marinayaa Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland.

Saxaafadda madaxa-bannaani waxay door muhiim ah ka qaadatay hirgalintii dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xoriyatul-qawlka ay Somaliland ku soo caano-maashay.

Saxaafadda madaxa-bannaani way ku ammaanan tahay dedaalka ay ugu jiraan sidii Qarankani uga badbaadi lahaa keli-taliye ku tagri-fala awoodda kursiga iyo hantida ummadda. Sidoo kale, waxay taariikhdu qori doontaa sida Saxaafadda madaxa-bannaani ugu dhabar-adaygtay hawsha culus ee ay ummadda Somaliland u hayaan iyo hagar-daamada ay inta badan kala kulmaan Xukuumadda talada haysa.

Maalintani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ay qodayso qabrigii lagu aasi lahaa xoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafadda xorta ah ee ay ummaddan inta badan soo ilaalinaysay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu ka xunyahay sida karaamo-darrada ah ee Xukuumaddani u bahdishay Warbaahintii dawladda uguna adeegsanayso in lagu aflagaadeeyo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Muwaaddiniintii bixinayey cashuurta ay Warbaahinta dawladdu ku shaqayso.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu Warbaahinta Somaliland u rejeynayaa mustaqbal ifaya iyo madax-bannaanida taamka ah ee Dastuurku u dammaanad-qaaday.”

Maalinta Saxaafadda Somaliland oo la xuso sannad kasta 9-ka bisha November, ayaa sannadkan 2013-ka ku soo beegmaysa xilli ay Xukuumaddu u xadhko-xidhatay hirgelinta xeer cabbudhinaya Warbaahinta madaxa-bannaan, waxaanay maalintani imanaysaa maalmo ka dib, markii ay Warbaahinta madaxa-bannaani sida Fiinta uga qaylisay Xeer cabbudhinaya xorriyadda hadalka iyo xorriyadda Saxaafadda ay Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland si ay u ansixiyaan,

Kaasoo ay Saxaafaddu ku tilmaantay mid si weyn uga hor-imanaya xuquuqda aasaasiga ah ee Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka qaarkood u dammaanad-qaadeen Saxaafadda iyo Muwaaddiniinta ee dhinaca lahaanshaha Hay’ad Warbaahineed, xorriyadda hadalka iyo wax-qorista-ba.

Berri oo Sabti ah bisha 11-aad ee Sannadka 2013 ay taariikhdu tahay, ayuu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu Weriyeyaaha ku marti-qaaday Xafladda Xuska Maalintan loo aqoonsaday Maalinta Saxaafadda Somaliland, taasoo uu Ururku qoraalkiisa marti-qaadka ku sheegay inuu ku qaban doono Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.