Beesha Jaarso ee ku dhaqan Somaliland oo ka cawday caqabado ay sheegeen inay la kulmeen

Hargeysa(Aftahannews): Haaruun Sheekh Muxumed Cismaan ayaa waxa uu soo bandhigay caqabadaha heysta beeshiisa Jaarso ee deegaan ahaan  degta Somaliland,isla markaana waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu wax kala qabto dhibaatadaasi heysata beeshiisa JAARSO oo uu ku tilmaamay inay Caasimada Hargeysa ku nool yihiin 14,000 oo qosy gobolada Somaliland ay ku nool yihiin.

caaqilka sawirkiisa1

Sidaa waxa Haaruun Sheekh Muxumed Cismaan ku sheegay Mar xalay u Waramayey Weriye Ka tirsan Wargeyska Ogaal, kadib markii uu xafiiska nagu soo booqday, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan ahay oday duqeed, oo ah Beesha Jaarso,Waxaanan ku dhashay Somaliland sanadkii 1967-dii tuulo la yidhaahdo Weeraarta oo dhinaca Koonfureed ka xigta Cadaadlay. Beesha Jaarso waa beel balaadhan,markii laga qaxay Magaalada Hargeysa waxaan u qaxay Jabuuti, waxaanan dib ugu soo noqday Hargeysa sanadkii 2000, markaa sanadkaas 2000 ilaa imika dadkan degen halkani (Hargeysa) cabashadooda si toos ah ayaan ula socod siinaynay dawlada, oo ah in na loo sameeyo oday beeleed Suldaan ama Caaqil oo wixii dhibaato ah xagga dawlada noola xidhiidha,oo haddii aanu geysano dhiig na loogu soo hagaago, haddii naloo geystana noo doona,dawlada Somaliland way naga ogolaatey waanan uga mahad-celinayaa arrintaasi”.

“Waxa naloo ogolaaday in nala siiyo odey beeleed,waxaan tagay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland,Waxa kale oo aan la xidhiidhay Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Xamarji oo waxa uu igu yidhi soo sameeya odayaal reerkiina ah oo ku dooranaya,oo xaqiijinaya inaad u baahan tihiin in la idiin sameeyo odey-dhaqameed.waxaan geeyey 10-oday,waxaanay tobankii oday yidhaahdeen waxaanu saxeexaynaa in Haaruun Sheekh Muxumed Cismaan na looga dhigo Caaqil,waxaanu soo qoray qoraalkaas ah in aniga Caaqil la iga dhigo,Dabadeed Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland I diiday oo tidhi ma ogolin Caaqil cusub,Waxaana la igu yidhi ku noqo Badhasaabkii waan ku noqday Badhasaabku wuu I soo dhameeyey qoraalaasi oo wuu soo saxeexay,haddana markii labaad ee aan imid Wasaarada arrimaha guduhu way horjoogsatay,’.

“Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay dawladu noola dhaqanto sida ay ula dhaqanto oday-dhaqameedka beelaha Somaliland, oo Kaadhkii aqoonsiga madax-dhaqameedka ee hore na loogu diiday ay noo sameyso oo Wasaarada arrimaha guduhuna na loo soo amro. Waxaanu ku daganahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa 14,000 qoys (Afar iyo toban kun oo qoys,iska daa gobolada, markaa dadkaasi waxay doonayaan dad ay dabagaal tusaale ahaan haddii cid reerka ah nabar lagu soo dhufto oo uu tago Saldhiga waxa la odhayaan keen Caaqilkaagii, Caaqilkiina haddii aanu haysan Kaadhkii aqoonsiga cid wax u qabanaysa ma jirto markaa dhibaatada na heysataa waa sidaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.